Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»TOOS ULA SOCO NATIIJOOYINKA DOORASHADA MAREYKANKA: Yaa guuleysan doona..?

    TOOS ULA SOCO NATIIJOOYINKA DOORASHADA MAREYKANKA: Yaa guuleysan doona..?

    November 9, 2016Updated:November 9, 20164 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo ay socoto tirinta codadka doorashadii Mareykanka ka dhacday ayaa waxaa soo baxaya natiijooyinka doorashada gobollada kala duwan.

    Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan inuu horeeyo Donald codadka loo yaqaan electoral college oo qofka ku guuleysanaya madaxweynaha Mareykanka laga doonayo inuu helo 270.

    hillary-trump1Gobolka muhiimka ah ee Ohio ayaa goor dhoweyd la sheegay inuu ku guuleystay Donald Trump, gobolkan oo ah mid muhiim ah ee lagu loolamo, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa inuu Donald Trump ku guuleysato North Carolina.

    Clinton ayaa horumar weyn ka gaartay Gobolka weyn ee Florida oo keligiis leh 55 cod leh taasoo xoojisay niyadda taageerayaasha Clinton, dagaalka aqalka Cad loogu jiro ayaa cad

    Doorashadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu adkeyd, uguna xamaasadda badneyd oo si weyn u kala qeybisay dadweynaha Mareykanka.

    Donald Trump ayaa mar kale ku guuleystay gobollada lagu loolamo ee kala saara musharixiinta aqalka cad, wuxuuna goor dhoweyd ku guuleystay Gobolka waqooyiga Carolina isagoo helay codadkiisa gaarya 15 cod.

    Saadaasha gobollada muhiimka ah waxaa ku horeeya Donald Trump, marka laga reebo Pennsylvania oo Hillary ku horeyso.

    Gobolka muhiimka ah ee Florida iyo cadadkiisa gaaraya 25 waxaa helay musharaxa Jamhuuriga Donald Trumpt, halka Hillary ay heshay Gobolka Washington oo leh 12 cod.

    Donald Trump ayaa ku guuleystay Gobolka Georgia oo leh codad dhan 16, isagoo hogaanka sii dheereystay, waxana muuqata inay rajadiisa aqalka cad soo dhowaaneyso.

    Tartanku ayaa u janjeersaday dhinaca Donald Trump oo ku sii dhowaanaya aqalka cad, waxaana la filayaa Goboladii ugu danbeeyay ee xaqiijin doona  guusha aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

    Gobollada la isku hayo ee muhiim u ah doorashada ayaa intooda badan waxaa ku horeeya Donald Trump, waxaana la la leeyahay haddii aanay wax kale dhicin sida natiijooyinku u muuqdaan in taariikh cusub ay qormi doonto dalka Mareykanka.

    Taageerayaasha Hillary Clinton ee ku sugnaa xarunta doorashada ee Hillary ayaa laga dareemay murugo oo qaarkood ay bilaabeen inay ooyaan, halka xarunta Donald Trump ay ka socoto dabaaldeg iyo farxad.

    Donald Trump ayaa waxaa u harsan 26 cod oo qura inuu  noqdo madaxweynaha Mareykanka isagoo weliba ku horeeya afar gobol oo muhiim ah, taasoo shaki la’aan  ka dhigtay inuu noqon doono madaxweynaha cusub ee Mareykanka qof aan weligiis siyaasi noqon isla markaana xafiis dowladeed qaban.

    Gobolka sida weyn loogu loolamay ee  Pennsylvania, ayaa waxaa hadda ku guuleystay Donald Trump isagoo helay 20 cod oo electrol vote ah, taasoo ka dhigaysa inuu 6 cod u jiro aqalka cad sida ay baahisay wakaalada wararka AP.

    Madaxa Ololaha dooashada Hillary Clinton ninka lagu magacaabo  John Podesta ayaa hadda la hadlay taageerayaasha oo ku sugnaa xarunta isagoo u sheegay in habeenkan dheer ay wax badan qabteen, codeynta socotana ay isha ku hayaan, isla markaana aanay Clinton tegi doonin caawa hoolka taageerayaasha ku sugnaayeen, wuxuuna u mahad celiyay taageerada iyo codka ay siiyeen Hillary Clinton.

    Donald Trump ayaa yimid xarunta taageerayaashiisa ee magaalada New York halkasoo la filayo inuu ka jeediyo khudbadiisa guusha.

    Isla iminka waxaa soo baxay natiijadii codbixinta ee Winscosin waxayna hadda codadkiisa gaareen 277, inkastoo si rasmi ah loo sugayo natiijada Pennsylvania.

    DEGDEG: Hillary Clinton ayaa goor dhoweyd telefoonka kula hadashay musharaxa xisbiga Jamhuuriga, iyadoo ugu hambalyeysay guusha uu gaaray, waxayna sidaasi ku qiratay  in looga guuleystay doorashadaii Mareykanka.

    Waxaa hadda xarunta doorashada ee New York ka hadlaya madaxweyne ku xigeenka la doortay, waxaana goor dhow la hadli doona madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.

    Madaxweynaha al doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa khudbadiisii guusha uga hadlay dadaalkii dheeraa ee uu soo maray, waxaana uu sheegay inuu mar kale ka dhigi doono dal weyn.

    “Waxaan telefoon ka helay Hillary Clinton waxay annaga noogu hambalyeysay guusha aan gaarnay, anigana waxaan  ugu hambalyeeyay sida weyn ee ay ololaha doorashada ugu dagaalantay,” ayuu yiri Donald Trump.

    Wuxuu dadka Mareykanka ugu baaqay inay midoobaan oo ay meel iska dhigaan kala qeybsanaantii, isagoo sheegay inuu madaxweyne u yahay Mareykanka oo dhan una adeegi doono dadka oo dhan  oo ay ku jiraan kuwa laga tiro badan yahay.

    KHARIIDADA DOORASHADA MAREYKANKA

    DHAMMAAD

    http://goobjooge.com/degdeg-donald-trump-oo-loo-doortay-madaxweynaha-mareykanka-2017-2020/

     

    Donal Trump Donald Trump Hillary Clinton Top US election US Elections
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo Rikoor cusub u dhigay iibsiga Codadkooda
    Next Article DEGDEG: Donald Trump oo qarka u saaran inuu noqdo Madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo