Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»TOOS ULA SOCO: Wararka Shir Madaxeedka 28-aad ee IGAD, Muqdisho [Sawiro/Video]

    TOOS ULA SOCO: Wararka Shir Madaxeedka 28-aad ee IGAD, Muqdisho [Sawiro/Video]

    September 13, 2016Updated:September 13, 20165 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shir madaxeedka 28-aad ee aan caadiga ahayn ee IGAD ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    HADDABA SI TOOS AH HALKAN KALA SOCO WARARKA SHIRKA:

    Madaxda dowladda Federaalka ayaa ku sugan garoonka iyadoo lagu arkayo wasiiro, saraakiil, iyo qeybaha kala duwan ee dowladda Federaalka u qaabilsan Shirka.

    igad-w
    Bidix: Wasiirka ammaanka, Cadaaladda, Gaadiidka Cirka & Duulista, Gudaha, Maaliyadda

    Ilaa lix wasiir ayaa sawirkan ka muuqda oo garoonka Adan Cadde ku sugan si ay uga qeyb galaan howsha soo dhoweynta wufuudda ka imaaneysa dalka IGAD.

    Garoonka waxaa lagu diyaariyay dhammaan howlihii loogu talogalay soo dhoweynta madaxda iyo Baratokol-ka, waxaana ka muuqda in si weyn loogu diyaar garoobay shirka IGAD.

    igad-d
    Gabdha ku lebisan hido iyo dhaqanka oo loogu talogalay soo dhoweynta Wufuudda

    igad-c


    Madaxweynaha Jabuuti oo ku soo wajahan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu goor dhow kasoo dego Garoonka Diyaradaha Muqdisho, isagoo noqon doona madaxweynihii ugu horeeyay ee soo caga dhigta si uu uga qeyb galo shir madaxeedka IGAD.

    igad-a


    Wasiirada Arrimaha dibadda Kenya iyo Jabuuti oo kasoo degay Garoonka Muqdisho

    Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed iyo wafdi la socda ayaa kasoo degay garoonka diyaradaha Magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyay dhigeeda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar…

    amina-abdusalemSidoo kale wasiirka arrimaha dibadda  Jabuuti ayaa isna soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana ay hordhac u yihiin madaxweynayaasha labada dal..

    https://twitter.com/DalsanFM_SOM/status/775623083226980352


    Madaxweynaha oo gaaray goobta shirka

    igad-m

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhoweyd gaaray goobta uu ka dhacayo shir madaxeedka IGAD ee magaalada Muqdisho.

    Goobta uu shir madaxeedka IGAD ka dhacayo ayaa ah Hotel Peace qeybtiisa koowaad ee magaalada Muqdisho oo dhinac ku heya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana madaxweynaha diyaar ku yahay hotelka si uu u soo dhoweeyo Madaxda IGAD.

    igad-m1


    Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ayaa kasoo dega garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha gudaha, amniga iyo wasiiro kale, waxaana durba loo gudbiyay hotelka Peace oo shirku ka dhacayo.


    Cilad qabsatay diyaaradii Madaxweynaha Jabuuti 

    Cilad ayaa al sheegay inay hawada ku qabsatay diayaradii uu la socday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

    Madaxweyne Geelle ayaa ka qeyb gali lahaa shir madaxeedka 28aad ee IGAD oo Muqdisho ay marti gelineyso.

    Lama oga inuu kasoo gaarsiin doono shirka IGAD oo si weyn looga sugayo…


    Madaxweynaha Kenya oo ka degay caasimadda Soomaaliya 

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iminka ka degay magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee 28aad oo maanta ka dhacaya caasimadda Soomaaliya.

    Madaxweynaha Kenya waxaa Muqdisho uga sii horeeyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed oo saacado ka hor iyana ka degtay Garoonka Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Kenya ayaa ka mida madaxda dalalka IGAD oo ku shiraya magaalada Muqdisho.


    Madaxweynaha Uganda oo shirka IGAD u yimid Magaalada Muqdisho

    Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Musaveni ayaa hadda soo gaaray garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha Uganda ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD ee 28aad oo magaalada Muqdisho ka dhacaya markii ugu horeysay, waxaana hore u yimid Muqdisho madaxweynayaaasha Kenya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

    igad-m3

    Madaxweynaha Uganda waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Axmed, kadibna waxaa goobta shirku ka dhacayo ee Hotel Peace uga hor yimid Madaxweyne Xasan Sheekh.


    Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furay Shir Madaxeedkii 28aad ee IGAD

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee 28aad oo IGAD ay ku yeelaneyso magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha ayaa shir guddoomimnaya shirkaasi, iyadoo ay ka qeyb galayaan madaxda IGAD, waxaan ajendayaasha looga hadlayo ugu waaweyn xaaladaha Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.


    Shir Madaxeedkii 28-aad ee aan caadiga ahayn oo hogaamiyeyaasha dalalka IGAD ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo laga soo saaray War-Murtiyeed.

    War-Murtiyeedka oo ka koobnaa 22 qodob waxaa saxaafadda u akhrisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mida:

    • In la dhowro madax bannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
    • In degdeg lagu so dhameystiro shirka maamul u sameynta Gobolla Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
    • In dhinacyada Soomaalida loogu baaqay ka qeyb qaadashada geedi socodka xasilooni loogu soo dabaalayo Soomaaliya.
    • In AMISOM ay sugto ammaanka Doorashooyinka Soomaaliya.
    • In la soo dhoweeyay horumarka ay gaareen Madaxda Soomaalida ee ku mideysan Madasha Qaran
    • In dib u celinta Qaxootiga Soomaaliya uu noqdo mid rabitaankooda ku dhaca.

    Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta shirka waxayna la hadleen saxaafadda.

    Shir gaara oo ay yeesheen madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa shir gaara oo ay yeesheen kadib shirka waxay uga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsiga oo ay ugu horeyso xayiraadda lagu soo rogay Qaadka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay ka hadleen arrimaha isu socodka xuduudaha, duulmiyaadyada dhibaatada ka jirta gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha Qaxootiga iyo arrimo kale.

    Madaxda IGAD ayaa hadda isu diyaarinaya inay dalalkooda dib ugu laabtaan, waxaana shirka uu noqonayaa mid taariikhi ah oo caasimadda Soomaaliya ka dhaca xilligan.

    DAAWO SAWIRRO

    igad-006igad-005igad-004igad-003Wadani.com

    DHAMMAAD TEBINTII TOOSKA AHAY EE SHIRKA IGAD MUQDISHO 13 September 2016

    Mahadsanidiin

    IGAD IGADMOG Shirka IGAD Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleIGAD summit to kick off in Mogadishu
    Next Article SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo