Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Trump oo ereyo cunsuri ah u adeegsaday Muhaajiriinta Afrika & Dunida oo si weyn u canbaareysay [Akhriso]

    Trump oo ereyo cunsuri ah u adeegsaday Muhaajiriinta Afrika & Dunida oo si weyn u canbaareysay [Akhriso]

    January 12, 20183 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa beeniyay in uu hadalo gef ah ka sheegay waddamada ay ka yimaadaan dadka muhaajiriinta ah ee soo gala Maraykanka.

    Wararka ku saabsan in Trump shir ka dhacay xafiiskiisa Oval uu dalalka ay muhaajiriinta ka yidaamaan ku tilmaamay Qashin iyo sida xubinta laga saxaroodo oo kale, ayaa waxaa ka dhashay carro balaaran adduunka oo dhan.

    Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qorey Twitter-ka ayuu sheegay in ereybixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay. Wargeysyada Washington Post, New York Times, Politico iyo Wall Street Journal ayaa dhammaantood tabiyay hadalada gefka ah ee Trump, iyaga oo soo xiganayay dadkii ka qeybgalay shirkii uu hadalka ka jeediyay.

    Xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ayaa maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqday Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gefka ah jeediyay.

    Dalka Botswana ayaa u yeertay safiirka Maraykanka, iyada oo hadalka madaxweynaha ku tilmaamtay mid aanan loo dulqaadan karin oo qeyru mas’uulnimo ah. Afhayeenka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Rupert Colville ayaa sheegay in haddii uu run noqdo hadalka Trump uu ka dhiganyahay fadeexad weyn iyo ceeb laga ashqaraaro.

    Waxa uu ku tilmaamay in uu hadalkaas ka dhiganyahay midab takoor iyo bahdil weyn.

    Ururka qaran ee dadka midabka ah ee Maraykanka ee NAACP ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Trump uu kusii dhacayo god bakayle oo aad u dheer, kaas oo ah mid nacayb iyo midab takoornimo ku salaysan.

    Hadalada madaxweynaha waxaa ka mid ahaa kuwa uu u jeediyay dadka ka imanaya dalka Haiti oo uu sheegay in aanan Maraykanka looga baahnayn, islamarkaasna ay tahay in dalka laga tarxiilo.

    Gabadha lagu magacaabo Mia Love oo ah xildhibaanad kasoo gasha gobolka Utah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, asal ahaana kasoo jeedda dalka Haiti ayaa Trump ka dalabtay in uu raaligalin rasmi ka bixiyo hadalada uu jeediyay.

    Todobaadyadii dhawaa, maamulka Trump ayaa isku dayayay in uu xadido tirada xubnaha qoyska ee Maraykanka iman kara si ay ugu soo biiraan xubno kale oo horey Maraykanka ugu noolaa.

    Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in dadka muhaajiriinta qaarkood oo Maraykanka ku sugan loo ogolaado in ay sii joogaan maadaamaa dalalka ay ka yimaadeen aanan lagu laaban karin xaalado amni awgood.

    Si ay u helaan ogolaanshaha madaxweynaha, waxa ay xildhibaanada Trump u ogolaadeen in ay ansixinayaan lacag dhan $1.5 bilyan oo doolar si uu ugu dhiso darbiga xudduuda, balse Trump ayaa sheegay in waxa loosoo bandhigay ay aad uga yaryihiin wixii loo baahnaa.

    Trump ayaa soo jeediyay in kaliya Maraykanka laga qaabilo dadka tayada leh ee dalkiisa gaarsiin kara heerka. Dadka lagala noqday ruqsadaha kumeelgaarka ah waxa ay kasoo kala jeedaan dalalka Haiti, Nicaragua iyo Salvador.

    Africa Donald Trump Shithole Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaran oo Magaalada Dhuusamareeb lagu xayiray [Akhriso faahfaahin]
    Next Article Ciidamada Ahlu suna oo sii daayey Wafdigii Guddiga Doorashooyinka ee Xaliimo yarey

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo