Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaki galiyay in wadahadalada nabadda ee bariga dhexe ay dib u bilaaban karaan isagoo cambaareyn u jeediyey Falastiiyiinta.
Madaxwayne Trump ayaa ku tilmaamay Falastiiniyiinta dad aan xushmad lahayn oo Mareykanka ka abaal dhacay, isagoo ku eedeeyay inayxushmad daro u muujiyeen dalkiisa kadib go’aankiisii uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.
“Mareykanka waa in loo muujiyaa xushmad haddii kale wax kala soconaya ma laha,” waxaa sidaas yiri Donald Trump oo weriyeyaasha hadlay magaaladda Davos ee dalka Switzerland oo uu ka socdo shirka Dhaqaalaha Adduunka.
Maamulka reer Falastiiniyiin ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka ee Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday Qudus, waxayna sheegeen inuusan dhexdhexaad noqon karin, iyagoo diiday inay qaabilaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo booqday Barigaa dhexe.
Madaxwayne Trump ayaa markii uu hadalkan jeedinayay waxaa barbar fadhiyay rai’sul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu: “Israa’iil mar walba waxaa taageera Mareykanka sidaa daraadeed waxa aaan sameeyay ee ku saabsan Qudus waxay ahayd mid sharaf ii ah” ayuu ku faanay Mr Trump.