Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono Boqortooyada Sacuudiga haddii ay ku caddaato inay mas’uul ka ahayd dilka Qoraaga iyo saxafiga Jamal Khashoggi ee lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, Turkiga.
Isagoo wareysi siiyay Telefishanka CBS ayuu sheegay inuu aad caroon doono haddii ay arrintaasi run noqoto, isla markaana ay tahay wax laga yaxyaxo wixii dhacay, iyadoo tallaabo adag iyo ciqaab ugu goodiyey Sacuudiga isagoo sheegay inay madaxda Sacuudiga ay beeniyeen arrintan, balse ay jiraan xog ka dhan ah.
Trump ayaa meesha ka saaray inuu hakin doono qandaraasyada milateri ee Hubka iyo Saanadda Mareykanku looga iibiya boqortooyada sacuudiga, taasoo uu sheegay inay shirkado badan oo Mareykan ah ku tiirsan yihiin dad badanna ay shaqo ka helaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevut Cavusoglu, ayaa maanta shaaciyey in Sacuudiga aanu wax wada shaqeyn ah la syeelan dembi baarayaasha Sacuudiga. Wuxuuna codsaday inay la shaqeeyaan baarayaasha una ogolaadaan saraakiisha Turkiga inay gudaha u galaan qunsuliyadda.