Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa War yaab leh kasoo yeeray, kaasoo ku saabsan muranka ka dhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Masar ee ku saabsan biyo xireenka weyn ee Renaissance (GERD).
Trump oo ka hadlayey munaasabad uu ku shaaciyey xiriirka ay yeesheen dalalka Suudaan iyo Israa’iil ayaa sheegay in Itoobiya ay diiday heshiis uu soo diyaariyey oo ku saabsanaa biyo xireenka, arrintaasina ku dhammaan doonto inay Masar qarxiso Biyoo-xireenkaasi, isagoo. si cad u sheegay inay ahayd in Masar ay ka hortagto dhismaha biyo xireenka intii uu bilowga ahaa.
Warkan oo si weyn loola yaabay ayuu Madaxweynaha Mareykanka muujiyey sida uu uga careysan yahay inay Itoobiya diidan heshiis uu diyaariyey oo uu doonayay in dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ka gaareen muranka ka taagnaa biyo xireenka Itoobiya Renaissance.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa u jawaabay Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna qoraal uu soo ku caddeeyay hanjabaaddda Itoobiya loo jeediyey aysan ahayn mid qabata oo cadaalad ah, isla markaana ka horjeedo qaranimada Itoobiya, iyadoo ku saleysan marin habaabin iyo faham darro si cad ugu xad gudbeysa Sharciga Caalamiga ah.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in wadahadalka Midowga Afrika ee arrinta biyo xireenka Renaissance uu meel fiican marayo, halka Afrikaan ahna loo raadinayo khilaafaadka dalalka Afrika.
