Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sii wada weerarrada cunsuriga ah ee ku hayo haweeneyda asalkeedu Soomaaliya kasoo jeeda ee ka tirsan Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar ayaa xalay mar kale weerar ku qaaday, isagoo ka hadlayey isu soo bax taageerayaashiisa isugu yimaadeen.
Trump oo ka hadlayey isu soo bixii ugu horeeyay intii uu ku dhawaaqay ololihiisa doorashada ee sanadka 2020-ka oo ka dhacay magaalada Greenville, Gobolka North Carolina ayuu ku sheegay in Ilhan Cumar taageerto argagixisada, ayna neceb tahay Israa’iil, kana horjeedo siyaasadaha Mareykanka, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu laabato halkii ay ka timid ee Soomaaliya,.
Ilhaan Cumar ayaa waxay barteeda Twitter-ka kusoo qortay ‘Waxaan joogaa halkii ay aheyd’, waxay arrintani ka dambeysay markii taageerayaasha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ay ku qeylinayeen halkudhigyo ah ‘in Ilhaan Cumar dib loogu celiyo dalkeeda’.
Tageerayaasha Trump ayaa ku dhawaaqayey halkudig ah “DIB UGU CELI DALKEEDA” markii uu soo hadal qaaday Ilhaan Cumar, kuna eedeeyay inay Mareykanka ka horjeedo, waxaana garoonka is qabsaday ereyadaasi, taasoo xaaladda uga sii dartay,.
Khudbadda Trump oo socotay muddo saacad iyo bar ah ayaa qeyb ka mida waxay ku saabsaneyd weerarka uu ku qaadayo Ilhaan Cumar iyo saddex haween oo kale oo kam ida Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo midabkooda uu ku colaadinayo iyo inay ka horjeedaan siyaasadihiisa socdaalka iyo cunsuriyadda ku dhisan.
Jawaab ay Ilhaan Cumar ku qortay boggeeda twitter-ka kadib weerarka cusub ayey ku tiri: “Waxaan joogaa halkii aan lahaa Guriga Koongareska, waxaana lagaa rabaa inaad taas xaqiiqsato, lana macaamisho..”, waxayna fariimo kale ku sheegtay
Inkastoo Ilhaan Cumar uu ku hal qabsado Donald Trump ayaa haddana afarta haween ee uu sida tooska ah u weerarro, kana mida Koongareeska Mareykanka waxay kala yihiin : Alexandria Ocasio-Cortez , Ilhaan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib.
Siyaasiyiin badan ayaa ku eedeeyay Trump Cunsurinimo, waxayna Soomaalida Mareykanka qaar ka mida sheegeen inay u baqayaan noloshooda.