Turkiga iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey xabad joojin shan maalmood ka dhaqan gasha Waqooyiga Syria, iyadoo dagaalyahannada Kurdiyiinta laga fogeynayo aagga u dhow xuduudka Turkiga ee ay dooneyso dowladda Turkiga inay ka dhigto aaga nabadoon.
Madaxweynaha Turkiga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa wadahadal muddo dheer qaatay maanta ilaa caawa ku yeeshay magaalada Ankara, waxaana sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga waxay labada dhinac ku heshiiyeen xabad joojin muddo 120 saacadood ah oo ka dhacda Waqooyiga Syria iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu joojinayo howlgalka milateri, si loogu ogolaado dagaalyahanadda Kurdiyiinta inay ka baxaan aagga ay dooneyso dowladda Turkiga,
Waxaa kaloo heshiiska ka mida in hubka waaweyn ee kooxda Kurdiyiinta la baabi’iyo, waxaana aagga nabadda laga dhigayo ee Waqooyiga Syria ilaalinaya ciidamada Turkiga, waxayna labada dal iska kaashan doonaan fulinta heshiiskan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa u muuqda inuu rabitaankiisa helayo dagaal la’aan kadib markii howlgalkiisa Waqooyiga Suuriya uu ku adkeystay.