Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Turkiga oo Dowladda Soomaaliya ka caawinaya inay sameysato Boosto Casri ah

    Turkiga oo Dowladda Soomaaliya ka caawinaya inay sameysato Boosto Casri ah

    September 28, 2019Updated:September 28, 20192 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa si rasmi ah uga codsaday Boostada Turkiga inay gacan ka geystaan sidii loo soo nooleyn lahaa boostada dalkeena oo gebi ahaanba ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

    Wasiirka oo magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), ahna Guddoomiyaha Boostada Turkiga, Md. Kenan Bozgeyik, ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dawladda iyo shacabka Turkiga taageerada hiil iyo hooba leh ay la garab taagan yihiin Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed tan iyo markii 2011-kii uu dalkeena yimid Madaxweynaha xilligan ee dalkaas, Md Rajab Dayib Erdogan.

    Wasiirka ayaa sheegay in waaya-aragnimada iyo kalsoonida ay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan waxqabadka ay ku dhiirrigelisay inay codsigaas u soo gudbiyaan, isagoo intaasi ku daray inuu rajeynayo in Boostada Turkigu wax kala qabato sidii loo soo nooleyn lahaa adeeggaas oo muhiim u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan waxyaabaha dalka ka dhoofaya.

    Guddoomiyaha Boostada Turkiga ayaa ballanqaaday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa boosto casri ah, oo ka faa’iideysata waaya-aragnimada iyo xiriirka Diyaaradda Turkigu ay la leedahay adduunka. Si looga mira-dhaliyo arrimahan waxay labada wafdi magacaabeen guddi farsamo oo ka soo shaqeeya sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa labada boosto.

    “Waan ku guuleysanay inaan ku soo noqono masraxa UPU oo nalaga qaado cuna-qabateynta, isla markaana aan codeyno markii ugu horreysay burburka ka dib. Laakiin in boostada dibedda loo diro waa hawl aad iyo aad u culus oo u baahan qalab, aqoon iyo isku-xirka adduunka, kuwaas oo aan looga maarmin walaalaha Turkidu inay naga caawiyaan,” ayuu yiri Wasiir Cashuur oo intaasi ku daray in ay xoogga saarayaan sidii adeeggan loo soo celin lahaa.

    “Isgaarsiinta ka dib boostadu waxay noo tahay mudnaanta 2aad, waayo waa fududeeyaha ganacsiga internet-ka (ecommerce), fududeynta adeegyada maaliyadda iyo in dadweynaha loo soo dhoweeyo adeegyada dawladda (egovernment). Waxaan dooneynaa inaan dhisno boosto casri ah oo adduunka kala qabsata meesha uu haatan marayo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

    Boostada Boostada iyo isgaarsiinta Turkey Wasiir Canshuur Wasiirka Boostada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaarax Macalin oo shaaciyey in Ganacsatada Soomaalida ay Hantidooda kala baxeen Kenya & Dalalka ay u wareegeen..
    Next Article Sawir uu Madaxweyne Farmaajo la galay Korneyl ka tirsanaa dowladii hore oo dagaal cusub ka dhaliyey Baraha Bulshada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo