Wasaaradda Dfiaaca Turkiga ayaa ku guuleysatay tijaabada Gantaal Maraakiibta laga gano oo burburiya Maraakiibta dagaalka.
Gantaalkan burburiya maraakiibta ayaa lagu magacaabaa “Atmaca”, waxaana lagu farsameeyay gudaha Turkiga, iyadoo lagu guuleystay tijaabadiisa, sida uu shaaciyey Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Gantaalkan ayaa lagu tijaabiyay markab, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga, waxaana tijaabadiisa goobjoog u ahaa Wasiirka Difaaca dalkaasi Hulusi Akar, iyo taliyeyaasha ciidamada Badda.
Waxaa lagu riday Badda Madow ee gobolka Sinop sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, iyadoo lala beegsaday Markab macmal oo loo sameeyay si tijaabada loogu qaado.
Gantaalkan maraakiibta burburiya ayaa gaari kara ilaa 200km (124 meyl), waxaana soo saartay shirkadda Roketsan ee farsamada difaacda Turkiga, waxaa la filayaa inay maraakiiba dagaalka ee Turkiga lagu xiri doono doono dhammaadka sanadkan 2021.
Turkiga ayaa heer sare ka gaaray inuu sameysto hubka casriga ah, kadib markii ay dalalka reer galbeedka ciriiri ka geliyan inuu helo farsamada iyo hubka casriga ah ee Milateriga.




