Dowladda Turkiga ayaa ku hanjabtay inay tallaabo milateri oo toos ah ka qaadi doobto Jeneraalka dalka Liibiya intiisa badan ka taliya ee Khalifa Haftar.
Turkiga farriintan kulul soo saaray markii ciidamada Jeneral ay duqeeyeen magaalada Triboli aagga safaaradda Turkiga iyo Talyaaniga, iyadoo duqeynta ay ku dhinteen askar ilaalo u ahayd safaaradda, waxaana warka Dowladda Turkiga lagu caddeeyay inay Khalifa Haftar ka dhigan doonto “bartilmaameed sharci ah”, haddii ay sii socdaan “weerarada ka dhanka ah” danaheeda iyo howlgalkeeda diblomaasiyadeed ee Libya.
Turkiga ayaa taageera dowladda caalamka u aqoonsan yahay ee dalka Libya, waxayna la gashay heshiis wada-shaqeyn militari ah, xilli xukuumadda Tripoli ay isku dayeyso inay iska caabiso weerarada kaga imanaya maleeshiyada Gen. Haftar.
Ankara ayaa cidamada Haftar, oo ay taageeraan Imaaraadka, Masar iyo Ruushka, u aragta inay yihiin “kuwa afgambi doonaya” oo halis ku ah danaheeda Badda Dhexe.
“Haddii howlgalladeena iyo danaheena Libya la bartilmaameedsado, waxaan u arki doonaa ciidamada Haftar bartilmaameed sharci ah,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda, oo sidoo kale lagu cambaareeyey QM inaysan tallaabo ka qaadin weerarada Haftar.
“Waa wax aan la aqbali karin in QM ay kasii aamusnaato dilalkan,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas ku daray “Dalalka taageerada militari, tan maaliyadeed iyo midda siyaasadeed siinaya Haftar ayaa ka mas’uul ah dhibka ay marayaan shacabka Libya iyo qaska iyo xasilooni darrada la geliyey dalka.”