Dowladda Turkiga ayaa si buuxda Soomaaliya uga taageereysa arrimaha ammaanka iyo la-dagaalanka argagixisada Alshabaab, sida ay ku heshiiyeen labada dal.
Kulan ay magaalada Ankara ku yeesheen Wasiirka Arimaha Gudaha Turkiga Suleyman Soylu iyo Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa isku afgarteen heshiis iskaashi oo labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iska kaashanayaan dhinaca amniga.
Wakaalada Wararka Turkiga ayaa qortay in kulanka labada wasiir oo albaabada u xirnaa ayaa kulanka kadib ay labada dhinac saxaafadda u sheegeen inay ku heshiiyeen inay wadajir ula dagaalamaan argagixisada, kooxda Fatxullah Gulam iyo inuu Turkiga ka hirgeliyo Soomaaliya xarun lagu tababarro booliska howlgallada gaarka ah fuliya.
Wasiirka Amniga ayaa ka mid ahaa wafdiga ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee booqashada ku jooga dalka Turkiga, waxayna taageero dhinac amniga ah ka codsadeen dowladda Turkiga oo balanqaaday tababarka iyo qalabeynta ciidamo gaara oo qaabilsanaan doonta la-dagaalanka argagixisada.
Wadani