Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ee xilka sii haya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta booqday saldhiga Milater oo Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho, degaanka deegaanka Jazeera.
Xeradan oo muddo dheer dhismaheedu socday ayaa hadda ku dhow gabagabo waxaana lagu tilmaamay xerooyinka ugu casrisan ee milateri, iyadoo hore loo sheegay in lagu tababari doono ciidamada Soomaalida.
Wasiirka waxaa warbixin siiyay oo xarunta ku soo dhoweeyay saraakiil ka tirsan Milateriga Turkiga oo gacanta ku haya xaruntan oo dacalka ku heyso Badweynta india. Sida saxaafadda Turkiga sheegtay Saldhigan Milateri ayaa la sheegay inuu aad ugu meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde iyo Dekadda Muqdisho, isla markaana 3 KM u jira dhismaha isbitaalka Ordogan ee Muqdisho.
WARBIXINTA SALDHIGGA
Dhismaha saldhiga ayaa bilowday March 2015, waxaana la sheegay in la dhameystiri doono Janaayo 2017, balse waqti yar dib u dhacay, waxaana si rasmi ah loo furi doonaa dhowaan. Maareeyaha Shirka dhiseysa saldhiga milateriga Turkiga ee Soomaaliya Istanbul Mogadishu General Construction Company ninka lagu magacaabo Ebubekir Şahin ayaa wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay dhismaha saldhiga ay ku baxday lacag dhan 50 Milyan oo doolar.
Dhismaha saldhiga ayaa ka kooban xarumo tababar, saddex Dugsi oo milatari, Goobo la seexdo iyo Bakhaaro, wuxuuna ku fadhiyaa saldhigga dhul shan 400 hektar oo markiiba lagu tababari karo 500 askari.
Saldhigga milateriga ee Turkiga ka furtay Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidamo kale oo afrikaan ah lagu tababari doono. Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh Soomaaliya, isagoo taageero kala duwan siiya Soomaalida.
DAAWO SAWIRRADA
Wadani.com