Turkiga ayaa sii wada dagaal xoog leh oo uu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya ee ka taliya magaalada Cirfiin ee ku dhow xuduudka Turkiga iyo Suuriya.
Turkiga oo howlgalkan dagaal ku dhaqaaqay iyadoo ay ay ka horjeedaan Mareykanka oo taageera kooxda Kurdiyiinta Suuriya, waxayna milateriga Turkiga sheegeen inay burburiyeen ilaa 200 bartilmaameed oo kooxda Kurdiyiinta leeyihiin.
Wakiilka Turkiga u fadhiya gaashaanbuurta NATO, Ahmet Berat Çonkar, ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah isbahaysigaasi inay waddankiisa ka taageeraan dagaalka dhulka ee cusub ee uu kula jiro xooggaga YPG ee Kurdiyiinta Suuriya.
Mr Çonkar oo ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa looga baahan yahay inay dib u qiimeyn ku sameeyaan xubinnimadooda NATO haddii ay taageeri waayaan duulaanka Turkiga, oo uu ku tilmaamay mid sharci ah.
Xukuumadda Washington ayaa doonaysa in Turkiga uu koobo howgalkiisan milateri, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxay kulan degdeg ah Isniinta maanta ah ka yeelan doonaan xaaladdaasi.
Dhinaca kale Faransiiska ayaa Golaha ammaanka geeyay qaraar ku saabsan howlglka uu Turkiga ka wado Suuriya, iyadoo kulanka Golaha ammaanka looga hadli doono weerarka Turkiga.