Instagram ayaa shaacisay in la baahiyay lambaro dad magac leh iyo email-ladooda oo gudbiyay burcadda internet-ka.
Barta Instagram oo ay leedahay Facebook ayaa farriimo u dirtay dadka loo dhacay si ay arrinta u ogaadaan.
Waxay shirkaddu sheegtay in ay aaminsan tahay in “hal burcad ama ka badan” ay xadeen lambarada ku jiro telefoonada dadka caanka ah.
Instagram waxay sheegtay in lambarada sirta ah ee password-yada aanan la xadin, laakiin waxay macaamiisheeda uga digtay in ay la socdaan wixii ay ka shakiyaan ee cinwaanadooda ay ku arkaan.
Sikastaba, shirkadda ma aysan xusin magacyada dadka ay sida gaarka ah ay u saameysay dhacdada. Xadgudubkan dhanka amniga ah wuxuu cilad weyn ku yahay software-ka ay shirkadda adeegsato.
Barnaamijkeeda ayaa qaldamay, laakiin markii dambe waala xalliyay sida Instagram ay sheegtay. Shirkadda waxay u digtay macaamiisheeda haysta akoonada la saxay in ay si weyn uga feejignaadaan dadka soo wacayo, iyo farriimaha iyo email-lada loosoo diro.
Instagram waxay leedahay in ka badan 500 oo milyan oo macaamiil, 300 milyan oo ka mid ah maalintii hal mar ayey isticmaalaan.