Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka warbixiyay kulankii dhex maray madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay kala hadleen saddex qodobo oo kala ah:
- Hiiraan laga daba geeyo 8-dii Gobol ee 1960, ama Soomaali ay wax ku qeybsato 8 Gobol.
- Dib-u-heshiisiin in loo sameeyo dadka gobolka Hiiraan.
- In Gogosha lagu soo celiyo Beledweyne.
“Madaxweynaha Somalia, waxaan u sheeganay saddexdii Qodob ee aan ka wada-hadalnay Ra’iisal wasaaraha, saddexdii qodob ee aanu hor-dhignay. wax jawaab ah oo haa ama maya ah nagama siin…” ayuu yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Dhinaca kale Ugaaska ayaa dadweyne isu soo baxay magaalada Beledweyne taageero ka helay, wuxuuna bartamaha Magaalada Beledweyne kula hadlay boqollaal shacab ah oo isugu soo baxay, kuwaasoo taageersanaa mowqifka odayaasha uu ka midka yahay.
Ugaas Xasan ayaa hadda ah odayga hogaanka u haya kacdoonka looga horjeedo qorshaha dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ee ah in la maamul loo sameeyo labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
DHAGEYSO UGAAS XASAN
HOOS KA DAAWO SAWIRRO
