Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa uga digay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya jalaafooyin siyaasadeed oo loo dhigo si loo fashiliyo.
Ugaaska oo ka hadlayay kulan ay magaalada Beledweyne ku yeesheen Waxgarad, Odayaal iyo Ugaasyada gobolka Hiiraan oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Farmaajo isagoo sheegay in jalaafo badan u yaallaan.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uu sheegay in ay kaga digayaan jalaafo lala doonayo in loo dhigo Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo).
“Waxaan u sheegaa madaxweynaha la doortay in macalimiintii ay jiifaan, waana kici doonaan….” ayuu yiri Ugaaska oo sarbeeb ahaan ula hadlay madaxweyne Farmaajo.
DHAGEYSO
Wadani.com