Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa diiday inuu tago magaalada Jowhar, kana qeyb galo caleemo saarka madaxweynaha Hirshabeelle.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa shir jaraa’ud oo uu ku qbatay hoygiisa magaalada Beledweyne si cad u diiday inuu tegayo magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka cusub ee Hirshabeelle, isagoo beeniyay wararka sheegaya inuu u socdo, kaddib markii warar soo baxayay ay sheegayeen in Ugaaska aqbalay inuu ka qeyb galo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Hirshabeelle.
Wuxuu sheegay in kulankii uu shalay la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble uu ahaa mid qabiil ee aanay ka wadahadlin arrimo siyaasadeed.
“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan Jowhar marnaba tegi doonin, mana tagayo, Cali C/llaahi, kama wadahadlin Hiiraan iyo Shabeelle war qabiil ayaa ka wadan hadalnay, siyaasad kama hadlin, cid kasta oo Soomaali ha ogaato, aniga Hirshabeelle kuma jiro, wax shaqo ah kuma lihi” Ugaas Xasan.
Ugaas Xasan ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay suuqa la soo geliyay oo sheegaya in Diyaarad Helicopter lagaga qaaday Beledweyn, isagoo ku tilmaamay hadal been abuur ah oo umadda lagu marin habaabinayo.
“Maanta anigoo Beledweyne dhex taagan in la yiraahdo Xasan Ugaas diyaarad Helicopter ayuu saaran yahay, diyaaradaas raacayaa Jowhar ayuu u socdaa, beenta intaas la ge dadka abuuraya ee raba inay umadda marin habaabiyaan haka fiirsadaan…” ayuu yiri Ugaaska.
Ugaaska oo hadalkiisa ka muuqatay caro ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan dhibaato aan caadi aheyn laga wado, isagoo xusay in cida wada ku tilmaamay in la yaqaan sida uu yiri.
“Dhibaatada Hiiraan laga wado waxaa nala gaarsiiyay in nala caburiyo oo xuduuqdeena lagu tunto, labo maalin isku si ma aha, anaga waxaa u doodeyno ama aan u qeylineyno waa xuquuq, wax dhibaato oo wadna ma jirto, beesha Caalamka UN, Mareykanka iyo Ingiriiska waxaa u sheegeyna waxa anagu dooneyno waa xuquuq, wax aan dhaafsiisan oo aan wadno ma jiraan, waxaa nala gaarsiiyay in naloo diido inaan ku xulano gobolkeena xuquuqda aan laheyn iyo Xildhibaanada aan laheyn” ayuu yiri Ugaaska oo xaalkiisu u muuqday inuusan waxka iska bedelin.
Isha: Hirshabeelle.com