Ugaaska Beesha Ceyr ayaa gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamul goboleedka Galmudug oo doorashada 2016 ee degaanada Gobollada Dhexe ay ka dhici doonto.
Ugaas Xasan Ugaas Maxamed oo Ahlu suna ay ku xayirtay Guriceel ayaa ugu danbeyn lagu guuleystay inay fasaxaan Ugaaska si uu u hogaamiyo howlaha doorashada ee ka socda Cadaado.
Ugaaska waxaa Magaalada Cadaado ku soo dhoweeyay Odayaal, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug, iyadoo la dejiyay Guri loogu talogalay.
Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya inay halkaasi ku qulqulayaan musharixiin iyo odayaal qeyb ka ah doorashada labada aqal ee Baarlamaanka.
Wadani.com