Ugaaska Beesha Gaaljecel Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdulaahi Ugaas Muxumed ayaa doorasho been abuur ah ku tilmaamay mid ka mid kuraasta beesha ee lagu dooray magaalada Kismaayo.
Ugaaska oo ka mida Duubabka 135 ayaa sheegey inay waxba kama jiraan ahayd Doorashadii ka dhacdey Magaaladdaa Kismaayo ee dhex martey Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ahaa Wasiirkii Badroolka iyo Macdanta iyo Cabdulaahi Shaacir oo Xildhibaan ka ahaa Dowladii hore.
“Wixii ka dhacay Kismaayo lama filaan ayay ahayd, Gudddiga Doorashada ayaa faragelin ku sameeyey ergadii Beesha oo aan aniga si cadaalad u qaybiyey, gaar ahaan Beesha Doqon Diide sidoo kale Gudiga Doorashada waxay si dareer ula Safteen mid ka mid ah tartamayaasha” ayuu yiri Ugaaska.
“Waxaa la keensadey ergo Been Abuur oo aan u dhalan Beesha Gaaljecel, waxaan u soo jeedinaya Guddiga Doorashada Heer Federaal inay laalaan kursigaasi oo dib loogu laabto” ayuu ku dooday Ugaaska.
Guddiga Doorashada maamulka Jubba ayaa lagu eedeeyay inay kuraas dhowr ah faragelin ku sameeyeen, isla markaana ay bedeleen ergooyin ay beelahooda soo qorteen.
Wadani.com