Waxaa magaalada Muqdisho caawa ku geeriyooday Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo muddooyinkan ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.
Geerida Ugaaska ayaa la xaqiijiyey, isagoo ku geeriyooday Hotelka uu deganaa ee Mubaarak, magaalada Muqdisho, lamana oga inuu u geeriyooday cudurka Covid-19, waxaase la sheegay in baaritaan laga qaadayo.
Waxaa tacsi u diraya Ugaaska iyo qoyska uu ka geeriyooday dad isugu jira mas’uuliyiin kala duwan..
Ugaaska ayaa la caleemo saaray 25-kii bishii July 2016, markii uu geeriyooday walaalkiisa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble. wuxuna muddo bilo ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo aan warkiisa la maqlin.
