Dowladda Uganda ayaa ku sheegtay inay joojinayso tababarrada ay ciidamadeeda qeybta ka ah AMISOM ee jooga Soomaaliya siiyaan ciidamada milateriga dalka Soomaaliya oo in muddo ah socday.
War laga soo xigtay dowladda Uganda saraakiil ka tirsan oo lagu daabacay warbaahinta dalkaas ayaa lagu sheegay in madaxda dalka Uganda ay su’aal ka keeneen sii socoshada qorshaha lagu tababarro ciidamada dowladda Soomaaliya.
Arrinta ugu weyn ee Uganda u joojinayso tababarka ciidamada Soomaalida ayaa lagu sheegay inay tahay cabsi laga qabo in ciidamada marka tababbarka u dhammaado ay ku biiraan Al-shabaab ama aan dib loo arag markii tababarku u dhammaado.
Wararkan ayaa u muuqda kuwo ay warbaahinta Uganda iska qortay iyadoo aan magacaabin mas’uuliyiinta laga soo xigtay o badan oo askartii ay tababareen ka mid ah aysan hadda shaqeyn oo ay ciidamada ka baxeen, waxaana hore u jiray heshiis Midowga Yurub iyo ay Q/Midoobay ku siiyeen Uganda tababarka ciidamada Soomaaliya.
Taliska ciidamada milateriga Soomaaliya ayaan wax war ah ka soo saarin arritan oo loo arko inay tahay mid salka ku heysa dhaqaale xumo ka jirta dalalka taageera howlgalka AMISOM.
Wadani.com