Dowladda Ingiriiska ayaa raadineysa shaqaale ajaaniib ah oo buuxiya shaqooyin badan oo ka bannaan dhinacyada Wadista baabuurta iyo Kawaanleyaasha Hilibka.
Ilaa 10,500 oo ajaanib ah oo isugu jira darwaliinta gawaarida xamuulka ah iyo shaqaalaha kawaannada Hilibka ayaa loo oggolaan doonaa inay shaqo u tagaan dalka UK ilaa aakhirka sanadkan 2021, oo ku beegan marka ay billaabaneyso ciidda masiixiyiinta.
Dowladda Ingiriiska waxay Caddeysay in 5,000 oo ah Darawaliinta baabuurta qaada shidaalka iyo kuwa kale ee xamuulka ay heli doonaan dal kugal saddex bilood ah oo ay ku joogi doonaan dalkaasi, iyadoo arrinan la filayo in lasii ballaariyo oo lagu kordhiyo shaqaale gaaraya 5,500 oo kale.
Wasiirka gaadiidka UK, Grant Shapps, ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay diyaargarowga loogu jiro ciida masiixiga. Balse Rugta Ganacsiga ee Britain ayaa sheegtay in go’aanka kasoo baxay dowladda uu yahay mid aan ku filneyn baahida jirta.
Sidoo kale ururka gaadiidleyda ayaa sheegay in arrintani “ay tahay mid aan wax weyn ka qabaneynin baahida, waqtiga la qabtay ee ilaa dhammaadka sanadka ahna uu yahay mid aad u gaaban”.
Hase yeeshee, go’aankan waxaa aad usoo dhaweeyay ururka xirfadleyaasha warshadaha UK, oo ku tilmaamay “tallaabo weyn oo loo qaaday xallinta dhibaatada xamuulka iyo qeybinta shidaalka.
Darawaliinta gawaarida xamuulka ah e ku yaraaday UK ayaa la sheegay inay sababtay culeys badan oo dhibaato ku noqday warshadaha bilihii lasoo dhaafay. Saameynta ayaa gaartay laga billaabo suuqyada yar yar ilaa dukaamada cuntada fudud lagu iibiyo oo loo waayey Gaadiid gaarsiiya badeecadaha.
Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, qaar ka mid ah waxaa yaraaday kala gudbintii badeecooyinka shidaalka, taasoo horseedday in safaf dhaadheer loo galo kaalmaha laga iibsado shidaalka.
Arrintaas ayaa dhacday xilli ay golaha wasiirrada ku adkeysteen in UK ay heysato shidaal aad u badan. Marka laga soo tago oggolaanshaha dadka ajaanibta ah ay ku imaanayaan UK, arrimaha kale ee ay dowladdu ku dhawaaqday waxaa ka mid ah in la kordhin doono howsha lagu hubiyo gawaarida waaweyn ee badeecooyinka qaada.
Madaxa Rugta Ganacsiga Britain, Baroness McGregor-Smith, ayaa isna sheegay in tallaabada la qaaday ay tahay mid aan wax weyn ka tareynin baahida taagan. “Ma aha mid wax ka qaban karta heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada,” ayuu yiri.
