Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Jobs»UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxaa ka bannaan: Kaaliyaha Madaxa Arrimaha Siyaasadda

    UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxaa ka bannaan: Kaaliyaha Madaxa Arrimaha Siyaasadda

    May 28, 20187 Mins Read Jobs
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM)

    MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

    BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

    HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

    DIB-U-XAYAYSIIN

    DEA TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                 26 JUUN 2018

    TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                   27 MAAY 2018

    MAGACA JEGADA:                            KAALIYAHA MADAXA ARRIMAHA SIYAASADDA

    HEERKA:                                                              NO-B

    QAYBTA:                                                                 GUDDIGA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO DHEXDHEXAADINTA (PAMG)

    GOOBTA:                                                                            JOWHAR

    MUDDADA HESHIISKA:                                               HAL (01) SANO OO GO’AN

    LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN:        UNSOM/PAMG/028 /2018

     

    Warbixin Gaar ah

    Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo kaliya, waxaana suuraggal ah in la muddo kordhin lagu sameeyo. Magacaabista booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego shaqadan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka online-ka (internet-ka) sida ugu dhaqsiyaha badan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee kor ku xusan.

    Dadka jecel in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda QM iyo Qandaraasleyda Kale waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda QM si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

    Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirrka Warbixinta:

    Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ee Jowhar. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doonaa Madaxa Xafiiska ee Beledweyne.

    Waajibaadyada iyo Mas’uuliyadaha:

    Kaaliyaha Madaxa Arrimaha Siyaasadda waxaa uu mas’uul ka yahay waajibaadyada soo socda:

    • In uu uruuriyo, xulo uuna falanqeeyo macluumaadka ku jira qoraallada iyo daabacaadyada laga helo ilaha kala duwan, oo ay ka mid yihiin saxaafadda.
    • In uu si weyn uga war haayo guud ahaan dhacdooyinka la xiriira arrimaha siyaasadeed, gaar ahaanna saameynta ay ku leeyihiin waddamada iyo waajibaadyada khaaska ah ee uu shakhsiga u xil saaran yahay.
    • In uu si dhow ula socdo arrimaha ugu dambeeyay iyo dhacdooyinka ka dhaca goobta uu ka shaqeeyo, uuna talo siiyo Mas’uuliyiinta Sare iyo shaqaalaha kale ee ka tirsan hawlgalka, iyo meelaha kale ee ku sugan Xog-haynta markii loo baahdo.
    • In uu la socdo isbeddellada dhinaca siyaasadda ee heer qaran iyo heer gobol, uuna talooyin siiyo hay’adaha ka hawlgala goobta/hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala goobta.
    • In uu xiriir dhowr oo ku aaddan isku-duwidda iyo arrimaha siyaasadeed la yeesho waaxyada kale ee Qaramada Midoobay, iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo dowladaha.
    • In uu la socdo tallaabooyinka ay qaadayaan urur goboleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.
    • In uu xulo, kala sooco kuna kaydiyo kombayuutar macluumaadka la xiriira isku dhacyada iyo khilaafaadka suurtagalka ka ah ee waddamada ama gobolka loo xil saaray.
    • In uu ka qayb-galo hawlo xaqiiq raadin ah iyo hawlaha kale ee goobta loo xil saaray.
    • In uu diyaariyo kulamada Ergayga Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ay la yeelanayaan Madaxda dalka marti galiyay.
    • In uu qabto waajibaadyada kale la xiriira marka loo baahdo.

    Kartida:

    • Xilkasnimada: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.
    • Xiriirka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax u fasirto farriimaha dadka kale uuna si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.
    • Wadashaqeyn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo saaxiibbadiisa si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu talooyinka uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas ay ka duwan yihiin mowqifkiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan waxyaabaha ay ka gaabisay ama ku fashilmeen kooxda.

    Aqoonta:

    Waxbarasho: Shahaado Sare ee Jaamacadeed (Master-ka iyo wixii u dhigma) dhinaa Sayniska Siyaasadda, Maamulka ama Horumarinta ama wixii la xiriira. Shahaadada jaamacadda ee heerka koowaad iyo labo sano oo shaqo ah waa la oggolaan karaa beddelka shahaaddada sare ee jaamacadda. Tababar xirfadeed ee dhinaca qorshaynta, kormeerka iyo qiimeynta, abaabulka iyo/ama isku duwidda waxa ay sare u qaadayaan fursaddaada.

    Khibrad:               Ugu yaraan labo (2) sano oo uu qofku khibrad wax ku ool ah ka helay sayniska siyaasadda, xiriirka caalamiga, sharciga, hubka dhigista, amniga, maamulka horumarinta, xallinta khilaafaadka, iyo wixii la xiriira.

    Luuqadda:          Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay.  Waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba).

    Habka

    Qiimeynta:         Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida.

    Macluumaad Dheeraad ah:

    Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

    Sida loo gudbiyo codsiga:

    Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 26 Juun 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono.

    Email-ka: [email protected]

    Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig cinwaanka email-ka.

    Fadlan ku lifaaq nuqulka P11, Shahaaddada Jaamacadda, Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Ku lifaaq nuqulka Liisinka Daraawalnimada oo sax ah. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

    Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

    QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

    Shaqo bannaan UNSOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKhasnajigii Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya oo lagu dilay weerar Qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho
    Next Article UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Isku-Duwaha Amniga

    Related Posts

    Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadineysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya (Maxaa is-bedelay..?)

    June 30, 2024

    Midowga Musharixiinta oo shaki geliyey dhexdhexaadnimada Rooble, Dalab culusna u diray (Akhriso)

    May 16, 2021

    UNSOS launches Job for: ASSOCIATE LIAISON

    October 24, 2018

    UNSOM launches Job for: Associate Disarmament, Demobilization and Reintegration Officer

    October 16, 2018

    UNSOM launches Job for: RATIONS ASSISTANT

    October 15, 2018

    UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: MAS’UULKA XUQUUQDA AADANAHA

    September 7, 2018

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo