Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 13
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»UNSOM: “8 Saxafi & Shaqaale Warbaahineed ayaa lagu dilay Soomaaliya muddo 2 sano ah” [Warbixin]

    UNSOM: “8 Saxafi & Shaqaale Warbaahineed ayaa lagu dilay Soomaaliya muddo 2 sano ah” [Warbixin]

    September 7, 2018Updated:September 7, 20184 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin ka hadleysa  xoriyada hadalka ee dalka Soomaaliya muddo 2 sanadood ah iyadoo lagu sheegtay in xilligaasi Soomaaliya lagu dilay 8 saxafi, laguna dhaawacay 32 kale.

    “Inta lagu jiray muddada dib-u-eegista la sameeyay (1 August 2016 to 31 July 2018), 8 saxafi iyo shaqaale warbaahin ayaa la dilay, 32 qofna waa la dhaawacay, 94 ka mid ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta ayaa si gar darro ah la iska xiray oo/ama la geliyay xabsi dheer iyagoo lagu eedeeyay dacwado la xiriira ku dhaqanka xoriyadda hadalka..” ayaa lagu yiri warbixinta.

    AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

    XORRIYADDA HADALKA EE SOOMAALIYA: WELI LAMA HELIN

    Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa muujineysaa in inkastoo xoogaa horumar ah uu jiro, sharci la’aantu ay hortaagantahay horumarka

    Soomaaliya waxay horumar ka sameysey hubinta xaqa xorriyadda hadalka laakiin waxay u baahan tahay inay sameyso intaa ka badan si loo soo afjaro caqabadaha hadhay – oo ay ka mid yihiin dilal, garaacis, dhibaateyn, xiritaan aan sharci aheyn iyo xabsi sharci darro ah, hanaanka nidaam cadaalad ah ama maxkamad caddaalad ah oo aan jirin iyo xidhitaanka xarumaha warbaahinta – sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay ee maanta la faafiyay. Waxay bixinaysa xogwarran ku saabsan warbixinta xuquuqda aadanaha guud ahaan ee ay UNSOM samaysay sannadkii 2016.

    “In kasta oo ay jiraan dadaallo iyo horumar laga gaaran dhanka sharci-dejinta, waxaa nasiib darro ah in xadgudubyo iyo tacaddiyo ku saabsan xaqa xorriyadda hadalka weli la diiwaangeliyo,” Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating’’, ayaa sidaa ka sheegay munaasabad warbixinta lagu daahfurayay ee ka dhacday caasimadda Soomaaliya.

    Warbixinta oo lagu magacaabay ‘Ku Naalooshada aan Sugneyn ee Xorriyada Hadalka ee Soomaaliya,’ oo ay diyaarisay Hay’adda Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), ee uu Md. Keating madaxa ka yahay, waxay daboolaysa oo ay ka hadlaysaa muddada laga billaabo 1da Agoosto 2016 ilaa 31ka Luulyo 2018.

    Warbixinta cusub ayaa sheegaysa in ka dib markii ay olole sameeyeen saxafiyiinta iyo bulshada rayidka, Dowladda Federaalku ay sharciga saxaafadda qaranka u furtay in dib u eegis lagu sameeyo si wax looga qabto walaaca ay qabaan saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta. Waxay sidoo kale sheegaysaa in, iyada oo ka jawaabaysa dadaallada ololeynta, dowlad goboleedla waqooyi ee Puntland ay wax ka bedeshay sharcigeeda warbaahinta iyadoo lagu sameeyay isbedel ballaarinaya ku naalooshada xaqa xorriyada hadalka, halka dowlad goboleedka koonfureed ee Jubbaland ay billowday sharci warbaahinta.

    Sida warbixinta lagu sheegay, inta lagu jiray muddada dib-u-eegista lagu sameynayo, siddeed saxafi iyo shaqaale warbaahin ayaa la dilay, 32 qofna waa la dhaawacay, 94 ka mid ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta ayaa si gar darro ah la iska xiray oo/ama la geliyay xabsi dheer iyagoo lagu eedeeyay dacwado la xiriira ku dhaqanka xoriyadda hadalka. Al-Shabaab ayaa weli ah dembiilaha ugu weyn ee geysta dilalka iyo dhaawacyada loo geysto saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta.

    Intaas waxaa dheer, inta isla muddadaas logu jiray, mas’uuliyiinta hay’adaha qaranka ama kuwa Dowlad-goboleedyada Federaalka ayaa ama xiray, xannibay ama tebinta wararka ka xayiray 19 xarun warbaahin (toddobo xarun telefishan, shan idaacadood, shan bog internet iyo laba wargeys), ama ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, ama faafinta “war been ah” oo loo arko inay halis galinayaan amniga qaranka.

    Soomaalidu waxay qiimeeyaan xorriyadda hadalka. Waa qayb muhim ah oo ka mid ah dhaqankooda. Waxaa muhim u ah dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed inay xor u noqdaan inay dhiibtaan ra’yigooda, gaar ahaan iyadoo dalku u diyaargaroobayo doorashooyinka 2020-2021,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Si Xorriyadda hadalku ay u noqoto mid dhab ah, Soomaaliya waa inay damaanad qaaddaa madax-bannaanida warbaahinta, sharciga warbaahinta waafajiso Dastuurka Federaalka Ku meelgaarka iyo halbeegyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ayna baabi’iso/tirtirto sharciyada xaarantinimaynaya faafinta “wararka beenta ah”

    Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in, iyadoo tirada saxafiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta ee la dilay ay hoos ugu dhacay boqolkiiba 27 marka la barbardhigo Janaayo 2014-Agoosto 2016, tirada dadka la qabtay oo la xiray laguna eedeeyay dacwad la xiriirta xoriyadda hadalka ayaa kor u kacday boqolkiiba 70. Tiradan waxaa ka mid ahaa dadka ka qaybgalay banaanbaxyo, siyaasiyiin, taageerayaal xisbiyo siyaasadeed, dad wax ku qora bogag internet iyo difaacayaasha xuquuqda aadanaha, gabayaa, dhaqdhaqaaqayaasha bulshada rayidka, odayaal iyo muwaadiniinta u banaanbaxaya taageero ay muujinayaan midnimada Soomaaliyeed. Warbixintu waxay sare u kacan xadgudubyada, oo si gaar ah u saameysay dadka reer Somaliland, u aaneyneysaa doorashooyinkii madaxwaynaha ee November 2017, muujinta taageerada midnimada Somaaliyeed, iyo colaadda Tukaraq ee u dhexeysa “Somaliland” iyo Puntland ee qaraxday bishii May 2018.

    Talooyinka ay warbixintu soo jeedisay waxaa ka mid ah in si degdeg ah loo hirgeliyo tallaabooyinka lagu ilaaliyo suxufiyiinta iyo shaqaalaha kale ee warbaahinta, maxkamadeynta dadka lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyada ka dhanka ah shaqaalaha warbaahinta iyo siyaasiyiinta, iyo sameynta Guddiga Federaalka Soomaaliyeed ee Xuquuqda Aadanaha.

    Keating Saxafiyiinta UNSOM Warbixinta Xuquuqda Hadalka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDjibouti, Eritrea agree to normalise ties strained since 2008
    Next Article WAR CUSUB: Dowladda Soomaaliya oo la wareegeysa Guddoonka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo