Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Jobs»UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Luuqadda ee Goobta

    UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Luuqadda ee Goobta

    July 1, 20186 Mins Read Jobs
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM)

    MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

    BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

    HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

    TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                     24 JULY 2018

    TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                 25 JUNE 2018

    MAGACA JEGADA:                                               KAALIYAHA LUUQADDA EE GOOBTA

    HEERKA:                                                                     GL-5

    QAYBTA:                                                                    GUDDIGA ARRIMAHA SIYAASADDA IYO DHEXDHEXAADINTA

    GOOBTA:                                                                    BELETWEYNE

    MUDDADA HESHIISKA:                                            HAL (1) SANO OO GO’AN             

    LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN:     UNSOM/PAMG/030/2018/SM

    Warbixin Gaar ah:

    Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Shakhsiga booskan codsanaya ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka daneynaya shaqadan waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan ka hor inta aan la gaarin taarikhda kama dambeysta ah ee xayeysiinta ku xusan.

    Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

    Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta:

    Booskan waa boos ka bannaan Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Beledweyne. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doona Madaxa Xafiiska.

    Mas’uuliyadaha:

    Kaaliyaha Luuqadda ee Goobta waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda:

    • In uu turjumaad af ah oo waadax ah isla markana kooban uu u fidiyo mas’uuliyiinta hay’adda iyo bulshada maxalliga ah, iyada oo taasi lagu taageerayo hawlgallada iyo hawlaha guud ee hay’adda.
    • In uu dukumiintiyo iyo xiriir heer sare ah oo ku saabsan mowduucyo kala duwan ee la xiriira arrimaha ay ku lug leedahay Qaramada Midoobay u kala fasiro luuqadaha Af-Soomaaliga iyo Ingiriiska.
    • In uu kala kaashado dhiggiisa ka tirsan waaxyada kale arrimaha la xiriira diyaarinta jadwalka iyo qorshayaasha maamul. .
    • In uu si dhow ula socdo wararka ka baxaya Warbaahinta uuna ogeysiiyo Kormeerayaasha iyo asxaabta kale macluumaadka muhiimka ah ee habboon.
    • In uu waraaqo u diyaariyo Kormeeraha.
    • In uu mas’uuliyiinta ka caawiyo diyaarinta qabyo qoraallo, qoraallo kooban iyo macluumaad kooban iyo macluumaad ku saabsan dalka.
    • In uu fayl gareeyo, uuna soo saaro dukumiintiyada xafiiska.
    • In uu qabto waajibaadyada kale, oo ay ka mid yihiin wadista baabuurta xafiiska, markii loo baahdo.

    Kartida:

    Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura.

    Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

    Wada-Shaqayn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

    Aqoonta:

    Waxbarasho:    Shahaaddada dugsiga sare ayaa loo baahan yahay.  Waxaa loo baahan yahay in uu qofka awoodo in uu shaqeeyo kaddib wakhtiga shaqada, fasaxa dhammaadka toddobaadka iyo kaddib qofka tookadiisa shaqo. In uu awoodo in uu u safro goobaha ay hay’addu hawlaha ka waddo, iyo in marba meel la geeyo.

    Khibrad:              Ugu yaraan afar (04) oo uu qofka khibrad shaqo ka haysta bixinta adeegyada turjumidda/fasirka.

    Luuqad:               Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga. Aqoonta luuqadaha kale ee Qaramada Midoobay waa mid wax tar leh.

    Habka Qiimeynta:  Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida.

    Macluumaad Dheeraad ah:

    Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

    Sida loo gudbiyo codsiga:

    Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 24, Luulyo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CV) lama aqbali doono.

    Email-ka: [email protected]

    Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Magaa Jegada ka dhig cinwaanka email-ka.

    Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P11, Shahaaddada, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ay qayb ka yihiin codsigaaga waxaana loogu talagalay in lagu qiimeeyo in aad shaqada u qalantid. Fadlan la soco in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

    Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

    QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

    BELEDWEYNE Jago bannaan UN UNSOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAMISOM oo in ka badan 40 xildhibaanno oo ka tirsan Maamulka K/Galbeed tababar ugu qaaday Kenya [Sawirro]
    Next Article UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Sarkaalka Asluubta

    Related Posts

    Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadineysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya (Maxaa is-bedelay..?)

    June 30, 2024

    Midowga Musharixiinta oo shaki geliyey dhexdhexaadnimada Rooble, Dalab culusna u diray (Akhriso)

    May 16, 2021

    UNSOS launches Job for: ASSOCIATE LIAISON

    October 24, 2018

    UNSOM launches Job for: Associate Disarmament, Demobilization and Reintegration Officer

    October 16, 2018

    UNSOM launches Job for: RATIONS ASSISTANT

    October 15, 2018

    UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: MAS’UULKA XUQUUQDA AADANAHA

    September 7, 2018

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo