Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Jobs»UNSOM: Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha

    UNSOM: Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka bannaan: Kaaliyaha Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha

    July 3, 20186 Mins Read Jobs
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM)

    MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

    BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

    HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

     

    TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                     03 AGOSTO 2018

    TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                      04 LUULYO 218

    MAGACA jEGADA:                    KAALIYAHA SARKAALKA XUQUUQDA AADANAHA

    HEERKA:                                                                              NO-B

    QAYBTA:                                                                              QAYBTA XUQUUQDA AADANAHA IYO ILAALINTA

    GOOBTA:                                                                             BELEDWEYNE

    MUDDADA HESHIISKA:                                                 HAL (01) OO GO’AN

    LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN:     UNSOM/HRPM/032/2018/SM

    Ogeysiis Khaas ah

    Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Codsadaha ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan codsadayaasha waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta.

    Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

    Qaabeynta hay’adda iyo Kala-sarreynta:

    Booskan waxaa uu ka bannaan yahay Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) Beledweyne. Xil-hayaha waxaa uu hoos imaan doonaa Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha P-4

    Mas’uuliyadaha:

    Kaaliyaha Sarkaalka Xuquuqda Aadanaha waxaa uu mas’uul ka noqon doonaa waajibaadyada soo socda:

    1. In uu HRPG ka hirgeliyo heer qeyb/goob, uu la socdo, dabaggalo, isla markana uu gudbiyo warbixin ku aaddan xad-gudubyada iyo tacaddiga xuquuqda aadanaha;
    2. In uu fuliyo ol’ole isla markana uu tababarrada iyo karti-dhiska dhinaca xuquuqda aadana u ballaariyo hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga si loo xoojiyo u hoggaansanaanta si waafaqsan shuruudaha ku xusan HRDPP, gaar ahaan sare u qaadidda awoodda ay maamul goboleedyada u leeyihiin in ay ku horumariyaan la xisaabtankooda iyo ilaalintooda, ayna baaritaanno madax bannaan ka sameeyaan dhacdooyinka marka ay awoodaan;
    3. In uu ka qaybqaato diyaarinta qiimeynta halista HRDPP iyo ogaanshaha tallaabooyinka lagu yareynayo marka loo eego codsiyada ku aaddan taageerro oo ay soo gudbiyaan ciidamada ammaanka ku sugan goobta;
    4. In uu sare u qaado awoodda loo leeyahay in la bixiyo diginin hore iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo in laga hortago waxna laga qabto xad-gudubyada ay geystaan ciidamada ammaanka;
    5. In uu fuliyo waajibaadyada kale ee loo xil-saaro.

    Kartida:

    Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

     Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

    Isla-xisaabtan: In uu dhabarka saarto dhammaan mas’uuliyadaha uuna ka soo baxo ballanqaadyada; In uu ka soo baxo hawlaha uu qofka mas’uul ka yahay xilliga loogu talagalay iyo kharashka iyo heerarka tayada ee loo baahan yahay; In uu howshiisa u qabto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka hay’adda; In uu shaqaalaha ka hooseeya taageerro, in uu kormeero uuna qaado mas’uuliyadda hawlaha loo igmaday; In uu qaato mas’uuliyadda waxyaabaha ay asaga iyo waaxdiisa ka gaabiyeen, meesha munaasabka ah.

    Aqoonta:

    Waxbarasho:    Shahaado sare ee jaamacadda (Master-ka ama wax u dhigma) oo dhinaca sharciga, sayniska siyaasadda, xiriirka caalamiga, sayniska bulshada, ama wax la mid ah. Shahaado heerka koowaad oo ay wehliso labo sano oo khibrad wax ku ool ah waa la aqbali karaa booska shahaado sare.

    Khibrad:              Ugu yaraan sanad oo khibrad wax ku ool ah dhinaca xuquuqda aadana ama shaqo la xiriira.

    Xirfadaha la doonayo:.  Khibrad ku aaddan la shaqeynta heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, agabyada iyo hannaanada. Waayo aragnimo hore oo la xiriira kormeerka iyo ka warbixinta iyo/ama karti-dhiska ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Khibrad dhinaca falanqeynta macluumaad aad u ballaaran, oo ay ka mid yihiin ilaha furan. Ugu yaraan lix bilood oo khibrad wanaagsan laga haayo goobaha shaqada.

    Luuqad:               Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qaramada Midoobay. Aqoonta luuqadaha Ingiriiska ama Faraansiiska (hadal iyo qoraalba) ayaa loo baahan yahay. Aqoonta luuqadda maxalliga ah waa mid habboon.

     

    Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida.

     Macluumaad Dheeraad ah:

    Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

    Sida loo gudbiyo codsiga:

    Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 02 Agosto 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono.

    Email: [email protected]

    Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka.

    Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga looguna talagalay in lagu qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA) loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

    Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

    QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)

     

    Jago bannaan Shaqo bannaan UN UNSOM
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWafdigii dowladda Qatar ee maalgashiga Dekadaha Somalia oo la kulmay Ra’iisal Wasaare Kheyre
    Next Article Wasiirka Isgaarsiinta oo difaacay dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaran & Khaladkii ka dhacay ansixinta Guddiga

    Related Posts

    Dowladda Turkiga oo dhexdhexaadineysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya (Maxaa is-bedelay..?)

    June 30, 2024

    Midowga Musharixiinta oo shaki geliyey dhexdhexaadnimada Rooble, Dalab culusna u diray (Akhriso)

    May 16, 2021

    UNSOS launches Job for: ASSOCIATE LIAISON

    October 24, 2018

    UNSOM launches Job for: Associate Disarmament, Demobilization and Reintegration Officer

    October 16, 2018

    UNSOM launches Job for: RATIONS ASSISTANT

    October 15, 2018

    UNSOM Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: MAS’UULKA XUQUUQDA AADANAHA

    September 7, 2018

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo