Hay’adda caalamga ah ee u dooda Xaquuqda Aadanaha Amnesty International ayaa Warbixin ay kasoo saartay Soomaaliya kusoo bandhigtay tallaabooyin laga rabo inay qaado dowladda Soomaaliya ee uu hoggamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Amnesty ayaa ka dalbatay madaxweynaha fuinta 10 Qodob, kuwaasoo ah tallaabooyinka inay dowladdu qado, si loo horumariyo xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka Soomaaliya.
“Doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee May 2022 waxay fursad u ahayd maamulka cusub inuu wax ka qabto caqabado badan oo xuquuqul insaanka ah oo dalka ka jira, iyo inuu taageero ka helo beesha caalamka si loo xaqiijiyo isbeddel waara iyo horumar laga gaaro horumarinta iyo ilaalinta aadanaha,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda, oo ah agaasimaha gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
10-ka qodob oo Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International u diray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ay kaal yihiin:-
1. Waa inay difaacdo shacabka ku nool deegaannada ay ka taagan yihiin dagaallada.
2. In isbaddal ay ku sameyso nidaamka garsoorka.
3. Waa in la xaqiijiyo caddaallada iyo magdhawga ku aadan tacadiyada ay geystaan ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.
4. Waa la qaddariya xoritaul qowlka.
5. Waa in la xaqiiiyo sidii qof kasta uu ku heli lahaa adeegyada caafimaad.
6. Waa in la difaaca barakacayaasha.
7. Waa in la ilaaliyaa xuquuqda carruurta.
8. Waa la dhowro xuquuqda gabadha iyo haweenka iyo in laga hortaggo kufsiga.
9. Waa in wax laga qabto saameynta isbaddalada cimilada iyo dhibaatooyinka kale.
10. Waa in dowladda ay aasaastaa isla makaana ay howlgelisaa guddiga qaran ee xuquuul insaanka.