Urur goboleedka IGAD ayaa ergay cusub u magaacabay dalka Soomaaliya, kadib markii uu xilka banneeyay ergeygii hore Maxamed Cabdi Afey.
Shir Madaxeedkii IGAD ee looga hadlay aaladda Koonfurta Suudaan, ayaa lagu ansixiyay magacaabidda ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya.
Dr. Maxamed Cali Guyo ayaa loo magacaabay ergeyga IGAD ee Soomaaliya, halka Danjire Ismaaciil Waceys loo magacaabay ergeyga IGAD ee Koonfurta Suudaan.
Ergeyga cusub ee IGAD u soo magacawday Soomaaliya ayaa ahaa diblomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya isagoo u qaabilsanaa dalalka Geeska Afrika.
Wadani

![Urur Goboleedka IGAD oo ergey cusub u soo magacawday Soomaaliya [Waa kuma..?]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/03/IGAD.jpg)