Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay Dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Urur Goboleedyada IGAD, iyadoo shir gaara arrintaasi ka yeelanayo ururka IGAD.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Mudane Cabdalla Xamduuk, Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Sudan ahna Shir-guddoonka Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha IGAD, ayaa Urur goboleedka IGAD waxa uu shir madaxeed ay ka qeybgalayaan Madaxda Dowladaha iyo XWasaaraddaukuumadaha oo arrinkan looga hadli doono ku qabanayaa Dalka Jabuuti 20 bishan December.”
R’iisal wasaaraha Suudaan ayaa maanta booqash oo ku jooga dalka Itoobiya, iyadoo la filayo inuu isla arrintan kala hadlo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wasaaradu ma faahfaahin waxay ku saabsan tahay Dacwadda ay Soomaaliya kusoo oogtay dowladda Kenya, balse ayey Soomaaliya hoos ugu dhigtay xiriirka diblomaasi ee ay la leedahay Kenya, markii ay u yeeratay safiirkeeda, isla markaana ka dalbatay safiirka Kenya inuu la-tashi ugu laabto dalkiisa.
Dowladda Soomaaliya waxay Kenya ku eedeysan inay faragalin ku heysto arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo Madaxweynaha Jubbaland ay ku cadaadisay inuu ka hor yimaado heshiiska Doorshada ee 2020/2021.