Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed oo War-saxaafadeed Culus soo saaray [Akhriso]

    Ururka Shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed oo War-saxaafadeed Culus soo saaray [Akhriso]

    November 29, 2018Updated:November 30, 20182 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ururka ay leeyihiin Shirkadaha Isgaariinta Soomaaliyeed ayaa soo saaray War-saxaafadeed ku saabsan kullan bille ah oo ay yeesheen, kasoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin sharcinimada  Guddigan Isgaarsiinta Qaran iyo shir uu dhowaan qabanqaabinayo.

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

    URURKA SHIRKADDAHA ISGAARSIINTA SOMAALIYEED (USIS) oo ah ay ku mideysan yihiin Shirkadaha bixiya adeegyada telefoonada iyo Internet-ka ee hoos ku xusan, ayaa Kulankooda Billaha ah uga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin xaalada Adeegyada Isgaarsiinta Tiknoolajiyada ee dalka iyo halka uu marayo Gabagabadii kulanka wuxuu Ururku soo saaray Bayaan ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

    1. Dhamaan Xubnaha Ururka waxay walaac ka muujinayaan wadashaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka dhaxeysa Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee ka dhalatay go`aanadii Wasiirka Wasaaradda ugu magacaabay xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaranka si aan waafaqsaneyn Sharciga.

    2. Xubnaha Ururka waxay ku wargalinayaan dhamaan Ummadda Soomaliyeed, Xukuumadda Federaaliga ah, Golayaasha Baarlamaanka, iyo inta daneysa arrimaha Isgaarsiinta, in aysan qeyb ka aheyn Shirka loogu yeeray “Wadatashiga Xeer-nidaaminta ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka” ee Wasaaraddu abaabuleyso si ay sharciyad ugu sameyso Xubnaha Guddigii Sare ee maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee markii hore ku yimid sida sharcidarada ah.

    3. Ururku wuxuu ka digayaa mar kale cawaaqib xumada ka dhalan doonta go`aanada la rabo in lagu gaaro magaca Hay’adda sida dhismo guddiyo maareeya howlaha Hay`adda, dejin tariifooyin iyo istcimaalka hirarka Isgaarsiinta iyo cabiro khaldan ee habraaca bixinta xuquuqa dalka.

    4. Ururka Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed (USIS) wuxuu mar kale cod dheer ku sheegayaa in magacaabista xubnaha ee Guddigan Isgaarsiinta Qaran ay si toos ah uga hor imaneyso Sharciga Isgaarsiinta sida ku cad Qod. 10aad iyo Qod. 34aad

    5. Ururku wuxuu mar kale baaq u dirayaa Xukuumadda Somaaliyeed iyo inta u taagan danaha dalka iyo dadka in laga hortago marin habaabinta hadafkii Sharciga iyo in si deg deg ah dib loogu saxo khaladaadka jira si loo xaqiijiyo xalaal-noqoshada Hay`adda Isgaarsiinta Qaranka.

    –DHAMAAD–

    Isgaarsiinta Muqdisho Ururka Isgaarsinta USIS
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDastuurka KMG ah oo lagu qoray Afka Carabiga, laguna soo bandhigay Muqdisho [Sawirro]
    Next Article Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Golaha Wasiirada ku soo rogay Amar ku saabsan Qorshe Howleedkooda [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo