Ururadda bulshada Muqdisho ayaa soo farageliyay hakad ku yimid shirka wadatashiga iyo amniga caasimadda oo la sheegay inuu dib u dhigay madaxweyne Farmaajo.
Ururka Jilayaasha aan dowliga aheyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya (SOSECENSA) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda ugu baaqay in degdeg loo qabt shirka wadatashiga gobolka Banaadir.
Ururka ayaa ka hadlay in shirki u dan u yahay bulshada ku nool gobolka Banaaidr iyo Soomaali oo dhan, waxaynaa soo jeediyeen in shirka loo qabto sida ugu dhaqsaha badan ugu dambeyn 20-25-ka bishan Janaayo.
Guddoomiyaha Dalladda SOSCENSA Diini Maxamed Diini, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya joojisay shirkaas islamarkaana SOSCENSA ay ku baaqeyso in shirkaas deg deg loo qabto.
War-murtiyeed ka soo baxay Madasha oo uu Diini Maxamed Diini u aqriyay Warbaahinta ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa:
1-waxaa adkaaday Adeegga ka shaqeynta Ganacsiga,Waxbarashada iyo Caafimaadka,maaddaama ay xiranyihiin dhamaan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo loo xiro si aan joogto ahayn.
2-shirka wadatashiga gobolka Banaadir waxaa uu muhiim u yahay ururinta afkaarta kala duwan ee shacabka Magaalada.
3-Shirkan oo ay qeyb ka yihiin Bulshada rayidka ah ee Magaalada Muqdisho,waxa aan rajeyneynaa in aan ku soo gudbin doonno talooyin bulshada rayidka ah.
4-Shirka watashiga Gobolka Banaadir waxaa uu muhiimad gaar ah u leeyahay mustaqbalka iyo horumarinta adeegga bulsho ee Gobolka Banaadir.
Haddaba mas’uuliyiinta Gobolka Banaair iyo dowladda Federaalka ah waxaan ka rajeyneynaa in ay tix geliyaan codka Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Banaadir.