Dalladaha ururrada bulshada ee Koonfurta Soomaaliya iyo Puntland ee SOSCENSA & PUNSA ayaa war wadajir ah kasoo saaray khilaafka ka dhex taagan Guddiga Dastuurka Baarlamaanka iyo Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xooosh Jibriil.
Labada dalladood ayaa ku baaqay in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh dib u eegidda dastuurka inay ka taxadaraan dhibaatada uu horseedi karo khilaaf dhex mara oo keena inay hakad gasho howsha dastuurka, isla markaana caqabad ku timaado howlaha dastuurka.
SOSCENSA & PUNSA ayaa kulamo la yeeshay labada dhinac ee arrintan dhex taallo iyadoo waanwaan ka dhex waday aysan wax horumar laga gaarin, waxayna ka digeen in geedi socodka dib u eegista dastuurka uu noqdo mid aan loo dhammeyn.
HOOS KA AKHRISO