Kulan ay yeesheen xubno ka socda Ururada Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Xirfadleeyda ee ku mideysan Dallada Bulshada Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOCENSA , waxa ay ka walaacsan yihiin xaaladaha ku gadaaman xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafyada ka dhex jira Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleeyada & wada shaqayn la’aanta Dowlada Federaalka iyo Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay(UNSOM).
Dallada oo ka duulaysa ixtiraamida madax banaanida iyo karaamada Dalka , una kuurgalaysa saamaynta ay keeni karto khilaaf iyo jahwareer saamayn ku yeealan kara dhismaha, xasiloonida iyo horumarka Dalka.
Dalladu , waxa ay adkeyneysaa, soona jeedinaysaa talooyinkaan hoos ku xusan;
• Iyadoo Dalku hiigsanaayo horumar, waxaa laga maarmaan ah in khilaafyada siyaaseed ee wax u dhimi kara xasiloonida iyo horumarka dalka lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham
.
• Bulshada rayidka ah waxaa ay aaminsan tahay in ay yaraanayaan fursadaha muwadiniinta Soomaaliyeed ku cabiri karaan fikradahooda si xor ah, waxa ayna u arkaan in ay waajib tahay in la balaariyo fursadahaas si ka qayb galka dhismaha wadanka uga qaataan kaalin fir fircoon.
• Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada Dalka waa in ay ixtiraamaan saraynta sharciga, xuquuqul insaanka iyo xoriyaadkaa muwaadininta Soomaaliyeed, ayna soo dhaweeyaan aragtiyada iyo dhaliilaha wax dhisaya.
• Dowlada Federaalka, Maamul Gobaleedyada iyo Mucaaradka aan hubeysanayn , waxaa waajib ku ah in ay la yimaadaan nidaam horseedaya xasilooni siyaadeed oo ku dhisan dulqaad iyo isla xisaabtan.
• Bulshada rayidka ah waxa ay u argataa laga maarmaan in la magacaabo guddi madax bannaan oo soo baara tacadiyada lidka ku ah xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baydhabo iyo Baardheere, oo lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay
.
• Ugu dambeyntii Dalladdu waxa ay usoo jeedinaysaa Maamul Gobleedyada Dalka in ay ixtiraamaan madax banaanida iyo karaamada Dalka iyaga oo dhowaraya Dastuurka iyo shruucda kale ee Dalka u yaala.