Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Ururrada Warbaahinta oo Bayaan culus u diray Dowladda Cusub ee Somaliya

    Ururrada Warbaahinta oo Bayaan culus u diray Dowladda Cusub ee Somaliya

    June 4, 2022Updated:June 4, 20225 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 4 Juun 2022, Ururrada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa-bannaan ayaa kulan wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho iyagoo diiradda ku saaray isbeddellada cusub ee ka dhacay dalka kaddib doorashadii madaxtinnimada ee dhacday 15kii May 2022 iyo xaaladda xorriyadda warbaahinta ee dalka, oo heerkii ugu liitay gaartay shanti sano ee lasoo dhaafay.

    • Ururrada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliyeed waxay si gaar ah u falanqeeyeen xeerka qallafsan ee warbaahinta ee la meelmariyey bishii August 2020, xarigga iyo beegsiga lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliyeed, adeegsiga Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee loo adeegsado warbaahinta, caqabadda ka taagan helista xogta iyo inaanu jirin sharci difaacaya xaqa helista xogta ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
    • Ururrada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliyeed waxay sidoo kale falanqeeyeen noocyadii kala geddisnaa ee tacaddiyadii loo geystay warbaahinta iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyo inaan dadkii geystay tacaddiyadaasi aanan weli lala xisaabtamin, iyagoo walaac ka muujiyay heerka liita ee tacadiyada xuquuqda aadanaha ee ka jira dalka.
    • Ururrada Saxafiyiinta iyo Warbaahinta Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan Dowladda Cusub ay muujiso rabitaan ku aaddan inay si daacadnimo ah u wajahdo waxna uga qabato tacaddiyada aan la isu ciqaabin ee loo geysto warbaahinta iyo saxafiyiinta, ay dowladda ka digtoonaato dhaqamadii laga bartay Dowladdii hore ee cabburinta saxaafadda.
    • Wadatashiga kaddib, Ururrada Saxafiyiinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed waxay soo saareen baaq ku socda Madaxweynaha cusub ee JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo guud ahaan xubnaha Barlamaanka Federaalka, iyo dowlad gobolleedyada dalka.
    • Ururrada Saxafiyiinta iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta Soomaaliyeed waxay ku baaqayaan in gurmadka deg deg ah laga gaaro dadweynaha u dhimanaya gaajada iyo harraadka ka jira dalka ee ka dhashay abaarta ku habsatay dalka. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaan usoo jeedinaynaa inay kaalinteeda ka qaadato sidii dhibaatada jirta loo soo bandhigi lahaa, isla markaana loo badbaadin lahaa dadka dhimanaya, dadweynaha loogu wacyigelin lahaa baaxadda dhibaatada jirta.

    Haddaba waxaan soo jeedinaynaa qodobada soo socda inay dowladda cusub meelmariso:

    Waxaan ku baaqeynaa:

    1. In la dhowro xorriyadda hadalka Soomaaliya, isla markaana si deg deg madaxweynaha cusub ee JFS iyo madaxda maamul gobolleedyada uu u soo saaraan xeer joojinaya xarigga sharci darrada ah ee lagu hayo saxafiyiinta Soomaaliyeed guud ahaan dalka, isla markaana faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay ixtiraamaan xorriyadda warbaahinta si waafaqsan qodobada 18aad iyo 32aad ee Dastuurka.
    2. In la furo dib u eegista iyo wax-ka-beddelka Xeerka Warbaahinta ee August 2020, laguna daro talooyinka ururrada saxaafadda iyo warbaahinta si uu u noqdo xeerka mid la jaanqaadi kara dastuurka dalka iyo xeerarka kale ee caalamiga iyo kuwa gobol ee ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda saxaafadda. Waana in Xeerka Warbaahinta ku caddahay dhowrista xuquuqda dumarka iyo tan shaqaalenimo ee warfidiyeenka. Waana in la is waafajiyaa Xeerka Warbaahinta heer federaalka marka la dhameeyo dib u eegista iyo sixitaanka.
    3. In Madaxweynaha JFS uu soo saaro hakin (moratorium) adeegsiga Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ee loo adeegsado warbaahinta iyo saxafiyiinta. Saxaafaddu waa mihnad xalaal ah, ma ahan denbi, kamana dhalan karto ciqaab.
    4. In baaritaan caddaalad ah lagu sameeyo dhammaan dilalka, dhaawacyada iyo falalka tacaddiga ah ee loo geystay saxafiyiinta Soomaaliyeed, loona oggolaado dhibbanayaasha iyo qoysaskooda inay dacwad ka furtaan maxkamadaha sharciga ee dalka si dadkii ka danbeeyay tacaddiyadaasi loo horkeeno maxkamad caddaalad oo run ah.
    5. In Madaxtooyada Villa Somalia iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ay si cad u cambaareeyaan weerarada iyo tacaddiga loo geysto saxafiyiinta, loogana digo saraakiisha dowladda oo dhan inay tacaddi u geystaan saxafiyiinta iyo warbaahinta, kuwa geystana lagula xisaabtamo si ay u dhammaato isla xisaabtan la’aanta daashatay dalka.
    6. In saxaafadda loo furo helista xogta, xafiisyada dowladda heerarkeeda kala duwanna ay joojiyaan in muuqaallo iyo sawirro lasoo jarjaray lala wadaago warbaahinta. Xafiisyada muhiimka ah sida Madaxtooyada, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Baarlamaanka iyo Wasaaradaha in saxaafadda madaxa-bannaan ay kasoo warami karaan ayna ku yeeshaan wakiillo wareed. Waana in Madaxweynuhu dhiirigeliyaa in kulamada jaraa’id ay noqdaan kuwo furan oo xogta lagula wadaago saxaafadda iyo dadweynaha.
    7. Inaan la isticmaali karin makarafoonnada iyo logo-yooyinka ay leeyihiin warbaahinta madaxa-bannaan ee sida sharci darrada ah loo geeyay madaxtooyada Villa Somalia iyagoo aanay joogin saxafiyiinta warbaahintaasi.
    8. In la dardargeliyo lana soo saaro xeer oggolaanaya xaqa helista xogta si waafaqsan Qodobka 32aad ee Dastuurka.
    9. Marka la dhameeyo dib u eegista iyo sixitaanka Xeerka Warbaahinta, in la dardargeliyo dhismaha Golaha Warbaahinta oo madax-bannaan oo Baarlamaanka ku leeyahay kor-joogteyn, xubnihiisuna ay ku yimaadaan xulis caddaalad ah oo loo dhan yahay, kana fog saameynta dowladda. Waana in warbaahinta madaxa-bannaan oo ay ku jiraan dumarka ay ka qaataan doorkooda iyagoo ah saamiley ee aan ahayn marti.
    10. In la dardargeliyo, lana dhammeystiro dhismaha Guddiga Xuquuqda Aadanaha oo weli aan la dhameystirin si loo baaro, loona diiwaangeliyo tacaddiyada xuquuqda aadanaha eel aga galo muwaadiniinta Soomaaliyeed, loo-lana xisaabtamo kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, Dowladda Cusub waa inay dardargelisaa dhisidda garsoor madax-bannaan oo caddaalad ah oo muhiim u ah dhismaha nabad waarta iyo dimuqraadiyad ka hirgasha Soomaaliya.
    11. Inaan xafiisyada dowladda iyo xilalka kala duwan aan loo oggolaan inay qabtaan dadka galay ama ku eedeysan tacaddiyada xuquuqda aadanaha oo ay ku jiraan tacaddiyada ka dhanka ah xorriyadda warbaahinta iyo xuquuqda saxafiyiinta.
    12. In warbaahinta guud ahaan isugu timaado shirweynaha warbaahinta Soomaaliyeed kaasoo waqtiga la qabanayo aan dib kasoo sheegi doono.

    Dhammaad

    Fesoj SJS Warbaahinta
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Kenya oo ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliya
    Next Article Xilliga la qabanayo Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare 2022 oo la shaaciyey (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo