Wasiirka Afrika ugu qaabilsan Dowladda Ingiriiska oo Telefoon kula hadashay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble
Wasiirka Afrika u qabilsan Boqortooyada Midowday ee UK Vicky Ford ayaa sheegtay inay taageersan tahay shirka lagu saxayo Doorashooyinka Soomaaliya ee uu ku baaqay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan hadda la hadlay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble si aan ugu xaqiijiyo taageerada UK ee ku aaddan shir deg-dega ee Golaha Wadatashiga Qaran si wax looga qabto cabashooyinka Doorashada, loona helo natiijo degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo” ayey tiri Wasiirada oo qoraal soo dhigay barteeda Twotter-ka
Waxay dhammaan dhinacyada Soomaalida ugu baaqday inay ka fogaadaan falalka kicinta iyo iska ilaaliyaan rabshadaha.
Go’aanka dowladda Ingiriiska ku taageeray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa yimid kadib tallaabo tan la mida oo uu qaaday Mareykanka, markii madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka si cad ugu sheegtay Farmaajo inuu la shaqeeyo Ra’iisal wasaaraha.
