Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, July 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Waa kuma George Weah: Madaxweynaha la doortay ee dalka Liberia..?

    Waa kuma George Weah: Madaxweynaha la doortay ee dalka Liberia..?

    December 29, 20173 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    George Weah waxa uu ku dhashay magaalo isku raran ah oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Manrovia, halkaas oo markii dambe uu ka aaday qaaradda Yurub, kana  noqday ciyaaryahan caan ah, kadibna hadda ayuu noqday madaxweynaha dalka Liberia kadib doorasho laba ku celis ahayd.

    Haddabe sidee ayuu halkan kusoo gaaray George Weah?

    Koriinshaha

    .

    Magaalada yar ee uu ku koray Weah waxaa lagu magacaabaa Clara, waxayna Manrovia u jirtaa meel loo soconayo saacad iyo bar marka baabuur la wato. Weah ayaa waxaa halkan geeyay waalidkiis si uu ula noolaado ayaydiis, xiligaas waalidkiis waxa ay ku noolaayeen degmada Grand Kru oo ah meelaha ugu faqrisan.

    Taariikhdaas faqrinimada ayaa taageerayaashiisa agtooda uu uga noqday qof halyay ah oo aad u dadaalay. Isaga oo yar ayuu bilaabay ciyaaraha kubbadda cagta, dadaal badan oo uu sameeyay ayuu ku gaaray heer ah in uu ka tago Clara, noloshiisana isbadal ku sameeyo.

    Xitaa waxa uu dhexda uga tagay iskuulka si uu horumar uga gaaro kubbadda cagta, go’aankaas oo ahaa mid uu ku bullaalay, balse dhibaatooyin u keenay markii uu damcay in uu u tartamo xilka madaxtinimada.

    Xiddig Kubbadda Cagta

    . 

    Mustaqbalka George Weah waxa uu is badalay kadib markii tabobare Arsene Wenger uu ku arkay isaga oo ka dheelaya dalka Cameroon. Maamulaha ayaa markii kadib Weah geeyay Yurub, halkaas oo uu u saftay kooxaha AS Monaco, Paris Saint Germain, AC Milan, Chelsea, Manchester City iyo Olympique Marseille.

    Intii uu waqtiga socday, Weah waxa uu qaanadaha armaajadiisa ka buuxsaday abaalmarino kala duwan oo ay ka mid tahay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee FIFA iyo abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii 1995-kii.

    Balse waligiis ma uusan halmaamin dalkiisii hooyo, kaas oo markaas ku jiray dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 qof. Mararka qaarkood jeebkiisa ayuu lacagta ka bixin jiray si xulka qaranka Liberia ay ugu safraan ciyaaraha dibedda.

    Weah waa muusigiiste hibo leh, wuxuuna mihnadda muusiga iyo heesaha ku laabtay sanadkii 2014-kii, xiligaas oo isaga oo kaashanaya fanaaniin reer Ghana uu soo saaray heeso uu kaga digayo cudurka Ebola.

    Waxyaabahan yaryar ee uu sameeyay ayaa aad loo xusuustaa illaa iyo maanta. Mar ayuu noqday danjiraha hay’adda carruurta adduunka ee UNICEF, wuxuuna ka qeybqaatay arrimaha samofalka.

    Madaxweynihii hore ee Liberia Charles Taylor ayaa mar uga shakiyay in uu doonayo kursigiisa madaxnimo kadib markii uu Weah diiday in uu ookiyaalka iska bixiyo xili labada nin ay kulmayeen. Malaha taas waa uu ku saxnaa Taylor, Mr Weah ayaa sameeyay xisbiga CDC waxyar ka hor doorashooyinkii 2005-tii.

    Waxbarashada

    . 

    Sanadkii 2007-dii ayuu sheegay in uu dhameeyay dugsi sare, afar sano kadibna waxa uu ka qalin jabiyay jaamacad, isaga oo qaatay shahaadada maamulka ganacsiga oo uu ka qaatay jaamacadda DeVry ee gobolka Florida.

    Sanadkii 2014-kii ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Liberia, isaga oo kasoo galay gobolka Montserrado oo ay qeyb ka tahay magaalada caasimadda ah ee Manrovia.

    Isla sanadkaas ayuu u tartamay madaxweyne ku xigeenimada Liberia, balse kuma uusan guuleysanin. Sanadkii 2016-kii ayuu ku dhawaaqay in uu markale isu sharaxayo xilka madaxtinimada, taas oo ay dadka aad u jecleysteen.

    Aakhirka sanadka 2017 ayuu si rasmi ah ugu guuleystay tartankii labaad ee uu u galay xilka uu wax badan raadineyay ee madaxweynaha dalkiisa, wuxuuna noqday ciyaartoyisku bedelay madaxweyne.

    Africa George Weah Liberia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFAAQIDAAD: Sidee Guriga C/raxmaan C/shakuur ku noqday Madaxtooyada aan laga seexan ee Muqdisho..?
    Next Article XOG: Imaaraadka Carabta oo abaabul ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo bilowday & Shir culus oo ka socda Abu Dhabi

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo