Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Waa kuma Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Abshir Bulkhaari..? [Weriye, Siyaasi & Ganacsade aflaxay]

    Waa kuma Guddoomiye ku xigeenka Aqalka sare Abshir Bulkhaari..? [Weriye, Siyaasi & Ganacsade aflaxay]

    January 23, 20172 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka, wuxuuna siyaasadda kasoo galay dhinaca saxaafadda.

    Waa Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) wuxuu socdaalkiisa siyaasadeed ee figta sare geeyay kasoo bilaabay xiligii abaaraha Soomaaliya ka dilaaceen ee 1992 isagoo u soo shaqeeyay hay’adda Care international.

    Kadib  wuxuu  muddo ka dib u wareegay dhinaca saxaafadda isagoo ka howlgalay hay;ado ay ka mid yihiin qeybta Warqabadka BBC-da, laakiin goobta uu ka aflaxay waxay ahayd telefishanka Aljazeera oo uu madax ka ahaa xafiiskiisa Muqdisho oo muddo ku dhow 5 sano uu gacanta ku hayay.

    Abshir Maxamed Axmed -Abshir Bukhaari-

    Siyaasadda ayuu cagta la helay, wuxuuna ku biiray dowladii Shariif Sheekh Axmed oo madaxa Madaxtooyada Soomaaliya uu noqday, waxaana la sheegaan in Aljazeera iyo madaxtooyada uu si weyn uga helay dhaqaalaha uu kadib ku maalgashaday saxaafadda.

    Anshir Bukhaari wuxuu sameeyay warbaahinta Goobjoog oo hadda ka kooban xayn idaacado FM ah iyo TV, isagoo iibsaday idaacaddii ciyaaraha ee magaalada Muqdisho Gool FM.

    Wuxuu noqday senatorkii ugu horeeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Soomaaliya iyadoo kursiga uu ku soo baxay uu taariikhda ku galay inuu ahaa kursiga dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyay.

    Wuxuu dhowaan shaaciyay  inuu iska casilay maamulka Shirkadiisa warbaahinta ee Goobjoog Media si aysan taasi uga hor imaan xilka uu qabtay ee xildhibaannimo.

    Shalay oo taariikhdu ahayd 22 Janaayo 2017 waxaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Senator Abshir Bukhaari wuxuu ka mid yahay kooxda Aalas-sheekh ee dhinaca siyaasadda ku lugta leh, waxaana mas’uulkii ugu horeeyay ee kooxdaasi ka tirsan oo xil sare qabta kadib sanadkii 2012 oo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed laga adkaaday.


    Taariikhda Guddomiye Ku-xigeenka 1aad Ee Aqalka Sare

    Waxaa uu dhashay June 1970-kii, waxaa uu ku dhashay Xarardheere.

    Shaqooyinka uu soo qabtay.

    1991-1992: Care International

    1996-1998: Hey’adda AMA

    1999: BBC Monitoring

    2004-2006: Hey’adda CRD, isku duwaha barnaamijyada

    2006-2010: Telefishanka Caanka ah ee Al-Jazeera Network

    2010-2011: Agaasime Madaxtooyada Soomaaliya

    October 15, 2016: Waxaa uu Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) noqdey senator-kii ugu horeeyay ee la doorto. 

    Wadani.com

    Abshir Bukhaari Aqalka sare Doorashada Soomaaliya Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXasan Sheekh Muxuu ka yiri Doorashadii Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka?
    Next Article DEGDEG: Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo