Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Waa maxay Taargada iyo Leysinka cusub ee dawladda Somaalliya ay soo bandhigayso?

    Waa maxay Taargada iyo Leysinka cusub ee dawladda Somaalliya ay soo bandhigayso?

    July 4, 2024Updated:July 7, 20243 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay soo bandhigayso taargooyinka gawaarida oo cusub iyo ruqsadda wadidda gaadiidka (Leysinka) oo isna cusub, kana duwan kuwa haatan la bixiyo.
    Arrintaas waxaa BBC u xaqiijiyey agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Bashiir Macallin Cali Xasan. Wuxuu sheegay in wasaaraddu doonayso inay casriyeyso adeegyada xagga gaadiidka.

    “Waxaan rabnaa in aan samayno taargo cusub oo noocyada kala duwan ee gaadiidka ay qaadan doonaan sida gaadiidka shacabka, kuwa ciidanka, kuwa safaaradaha, ambalasyada, mootooyinka, iyo bajaajyada, sidaa darteed waxaan rabnaa taargo cusub oo casri ah oo QR code leh oo kii gobolka leh, oo arrimihii amniga sugayey leh, calaamaddii dawladda dhexe iyo tii maamul goboleedkana ay saaran yihiin”.

    Ujeeddada ugu weyn ee ay dawladdu ka leedahay in ay beddesho taargada hadda la isticmaalo ayuu sheegay agaasimaha guud ee inay tahay sababo la xiriira “ka hortagga argagixisada”.
    “Argagixisadu waxay aad u isticmaalaan gaadiidka oo ay qaraxyada u adeegsadaan. Haddii uu nidaamkaan casriga ah hirgalo wuxuu meesha ka saarayaa gaadiidka qaraxyada loo adeegsado, waayo haddii xogta milkiilaha la hayo, taargada aan been abuur lagu samayn karin, waxay taas suurto galinaysaa in laga hor tago we erarrada argagixiso iyo falal dambiyeedyada, waxaana sahlanaanaysa in la suurto galiyo ka daba tagga dambiyada marista waddooyinka iyo fulinta ganaaxyada gaadiidka” ayuu yiri.

    Wuxuu intaa ku daray taargada cusub ay tahay mid “habeenkii iftiimaysa marka gaariga meel la dhigo”.

    Waxyaabaha kale ee cusub ee wasaaraddu ay soo rogtay waxaa ka mid ah in la beddeli doono “buugga gaariga” laguna beddeli doono hanaan kombiyuutar ku shaqyanaya oo lahaanshaha gaariga iyo xogta ruuxa leh la isku xirayo, kaasoo afka qalaad lagu yiraahdo “Vehicle identification card VIC”. “Xogta gaariga iyo tan qofka milkiilaha oo la isku daray laf lagu daabacay ayaa la yiraahdaa VIC, waana mid mishiinku akhrin karo” ayuu sii raaciyey Bashiir Macallin Cali.

    Mar u ka hadlayey dhinaca khibradda ay u leeyihiin fulinta hawshan ayuu sheegay in dhallinyaro gudaha dalka wax ku bartay oo ay aqoontooda aad u dhiseen ay jiraan, ayadoo kuwii ugu damaabeeyey ay ahaayeen “23 shaqaale oo aan shiinaha u dirnay oo si fiican loo soo tababaray”. “shaqaale ku filan hawshan oo dhinac kasta ah waan u haysannaa. Sidoo kale qalab casri ah ayaan ugu tala galnay in aan shaqadan ku fulinno” ayuu sii raaciyey.

    Qorshahan oo dhawaan dhaqan gali doona sida uu mas’uulkaas sheegay ayaa waxaa kaloo ka mid ah Leysinka gawaarida lagu kaxeeyo ayuu sheegay inuu noqonayo mid nidaamka caalamiga ah waafaqsan.

    “Waxaan doonaynaa in leysinkeennu noqdo mid dunida ka shaqeeya, shuruudihiisana ay adag yihiin, ayadoo qofka darawalka ah la marinayo imtixaan ay tahay inuu ka soo gudbo, waxaanan rabnaa in leysankeennu la tartamo kuwa dalalka caalamka ee horumaray”.

    Wuxuu kaloo sheegay Bashiir Macallin in ay isku xiri doonaan kaarka aqoonsiga qofka iyo leysinka kaxaynta gaadiidka. Wuxuu sheegay in leysinkaas, meel kasta oo qofku u tago, ay suurtogal tahay in la ogaado taariikhdiisa iyo xogtiisa.

    Taargada gaadiidka ee hadda la isticmaalo ayaa ah mid muujinaysa lambarka gaariga oo kaliya, oo aan ahayn mid digital ah. Barnaamijkan ayaa sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada waxa uu dhaqan gali doonaa bisha Siteembar ee sannadkan.

    Dowladda Leysin Taargo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo su’aal ka keenay Miyir-Qabka Muuse Biixi
    Next Article Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo shaaciyey inay xaq u leeyihiin Bad ay ka helaan Soomaaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo