Khilaafka dibadda u soo baxay ee ka dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaarihiisa C/weli Sheekh Maxamuud ayaa dad badan ka aaminsan yihiin inuu keeni karo inay labada mas’uul xiriirka kala goostaan oo aanay is arki karin, laakiin xogta Wadani.com waxay sheegeysaa xaalad ka duwan taasi.

Ka sokow loolanka adag, kulamada is barbar socda ee siyaasad ahaan la isku khaarijinayo haddana labada mas’uul waxay marar ku qasbanaadeen inay si wadajir ah munaasanado kala duwan uga wada qeybgalaan, waxaana ugu horeeyay aaskii taliyihii Booliska iyo qaabilaadii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay markii uu Muqdisho yimid.
Labada mas’uul ayaa la sheegay inay si joogto ah u wadahadlaan, isu booqdaan oo ay mararka qaarkood Shaah isla cabaan gudaha madaxtooyada iyadoo aan cadaawadda siyaasadeed ee ka dhaxeysa aanay ka tan badin, ayay kaftamaan oo sheekeystaan welibana ka hadlaan xaaladda dhex taalla.
Shirkii ugu danbeeyay ee maanta ay labada mas’uul ka wada qeyb galeen wuxuu ahaa shirka looga hadlayay hiigsiga cusub iyo shirka Copenhegan ka dhici doono ee qabanqaabada loogu jiro, waxayna labadan arrimood ka mid yihiin dhibaatooyinka madaxweynaha ka hortaagan inuu si degdeg ah uga takhaluso ra’iisal wasaaraha.