Guddoomiyaha (waaliga) Gobolka Hiiraan Sheekh Guuleed Abu Nabhan ayaa hanjabaad kulul u diray ciidamada Jabuuti ee Hiilwalaal oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
Isagoo dadweyne fara badan kula hadlayay degaanka Halgan oo ay la wareegeen markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ay ka xoreyn doonana ciidamada shisheeye.
Wuxuu digniintii ugu weyneyd u diray ciidamada Jabuuti isagoo ugu yeeray “Hiil-gaalo”, wuxuuna sheegay
Sheekh Guuleed wuxuu sheegay in ciidamada Jabuuti ay ku qaadi doonaan dagaallo waaweyn oo lagu go’doomin doono saldhiyadooda. “Hiil-gaalo’ waxaan u sheegayaa in Meydadkooda ay Haaddu cuni doonto, markaan weeraro lagu naafeeyo la beegsano” ayuu yiri Sheekh Guuleed.
Wadani.com