Waanwaan ayaa laga dhex bilaabay xiisada ka taagan gobolka Bari ee ka dhalatay ciidamada uu abaabulay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ee soo degay degmada Carmo ee Gobalka Beri iyo maamulka Puntland
Culimo iyo isimo arrintaas galay ayaa soo saaray afar qodob oo lagu xalinayo arrintaasi, waxaana qodobadda ka mida:
- In Ciida ka dib la isigu yimaado gogol ay guddoominayaan Culimada oo looga arrinsanayo xaalada ka taagan Bari ( 13 -7- 2016).
- In Ciidamada la kala qaado.
- In la joojiyo hadalada xanafta leh ee warbaahinta la isku marsiinayo.
Go’aanadan ayaa lagu qancinayaan labada dhinac, waxaana uu sheegay Sheekh Axmed Yuusuf Daad oo ka mida culimada arrintan hormuudka u ah inay xaaladu degan tahay oo aanay jirin dhibaato hadda taagan.
Wadani.com