Waanwaan ay wadaan dhinacyo kala duwan ayaa ka socota caawa magaalada Mqdisho, iyadoo saqdii dhexe kadib uu qaboobay dagaalladii ka socday caasimadda.
Wararka ayaa sheegaya in codsi waanwaan ah ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, si loo joojiyo dagaallada socda markii uu culeys uga yimid beesha caalamka, waxaana arrinta qeyb ka ah Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta oo Farmaajo u xil saaray arrinta, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka.
Ciidamada dowladda ayaa laga qaaday goobihii ay ka dagaal galeen, waxaana degtay xaaladii magaalada, inkastoo kala shaki weyn iyo is-aamin la’aan uu dhex yaallo labada dhinac.
Ma cadda sida loo wajihi doono xaaladda cakiran ee magaalada Muqdisho, laakiin waxaa waanwaanta bilowga ah ku biiray odayaasha dhaqanka iyo dhinacyo kala duwan si loo baajiyo in dagaal buuxa oo ka dhaco caasimadda.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xilli danbe ee aroornimadii sheegay inay socdaan wadahadal xal lagu gaarayo, haddana wuxuu cidamada faray inay waajibaadkooda gutaan, taasoo bixisay farriimo iska horjeeda.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaal ay ku dooneyso in xaaladda lagu qaboojiyo waxaana shir khadka Internetka ay kula leedahay Musharixiinta Madaxweynaha.
