Wararka laga helayo maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in waanwaan laga dhex wado Guddoomiyaha Gobolka iyo Ganacsatada Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed uu dhowaan faragelin ku sameeyay Beertaasi oo uu ku dhawaaqay in lacag la’aan laga dhigo gelitaankeeda.
Khilaafka ka dhex taagan Ganacsatada Beerta nabadda iyo Guddoomiye Taabit ayaa yimid kadib markii ganacsatada ay diideen in Beerta laga dhex sameeyo Taallo lagu sheegay mid astaan nabadeed leh oo uu soo jeediyay Guddoomiyaha Gobolka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Beerta ka kireeyay ganacsato shirko ah oo muddo saddex sanadood ka hor heshiis la galay maamulka G/Banaadir, iyagoo maalgelin weyn ku sameeyay.
Wadani