Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa digniin kasoo saaray ciidamada ay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Farmaajo geeyay magaalada Baledweyne oo xiisad ka taagan tahay.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ciidamadaasi si cad u jebinayaan heshiisyadii doorashada ee Golaha Wadatashiga Qaran, ayna ku socdaan daandaansi keenaya in dadka magaalada Beledweyne ay hubka qaataan.
“Ciidamada Diyaaradaha loogu soo daadguraynayo magaalada Beledweyne xiligaan xasaasiga ah ayaa ah waa mid si cad u jabineysa dhammaan heshiisyadii doorashada, waana daandaansi dadka reer Beledweyne lagu doonayo inay hubka qaataan, Waxay kaloo dharbaaxo fool xun ku tahay Ra’iisal wasaare Mohamed H. Rooble..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdi Ware.
Madaxweynihii hore ee Hirshabele Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu so dhigay barta uu twitter-ka wuxuu uu ugu baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu arrintan tallaabo qaado.
