Wadadda isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa xirantay, kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay dagaal kula wareegeen degaano ka degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.
Weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhigga Ceelka Geelow ee ciidamada dowladda ayaa keenay inay la wareegaan saldhigaas iyadoo lagu dilay laba askari, laguna waayay lix kale, wuxuuna ahaa weerarkii labaad ee Alshabaab ku qaado saldhiggasi muddo laba toddobaad gudahood ah.
Al-Shabaab ayaa la wareegay tuulooyinka u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar sida Gololey, Isgoys iyo Ceelka Geelow, waxaana la sheegay inay dadkii halkaasi deganaa ay bilaabeen barakac iyagoo ka cabsi qaba Alshabaab iyo dagaal dhex mara labada dhinac.
Waxaa gebi ahaan saaka istaagay isu socodkii gaadiidka dadweynaha ee magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, waxaana hore jidkaasi ka go’ay mas’uuliyiinta Hishabeelle iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxayna Jowhar hadda noqoneysaa magaalo go’doon ah.