Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Wadahadalka Jigjiga iyo Kulanka Nairobi [WQ: Yusuf Garad]

    Wadahadalka Jigjiga iyo Kulanka Nairobi [WQ: Yusuf Garad]

    May 4, 20162 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waan ku bogaadinayaa in uu ka qeyb qaato is fahamsiinta Dowlad Goboleedka GalMudug iyo Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo uu labadaba xiriirro kala duwan la leeyahay, ka dib markii ay iska horimaadyo kadhaceen beelo wada dega gudaha Ethiopia meel aan ka fogeyn soohdinta labada dal.

    Waxaan filayaa Axmed in uu ku dhashay GalMudug, wakhti noloshiisa ka mid ahna ku qaatay dhanka kale ee soohdinta.

    Sidoo kale labada Dowlad degaan ee labada dhinac ee soohdinta waan soo dhoweynayaa in ay si farsamo ah is faham uga gaaraan colaadda soohdinta ee soo noqnoqotay.

    Waan soo dhoweynayaa wax kasta oo isdil iyo colaad lagu baajinayo, sahlina kara Soomaalida soohdinta degta aaggaas oo ka mid ah meelaha Gobolka Geeska Afrika ugu horumarka liidata.

    Waxaa wadahadalka Jigjiga uu ku soo beegmay iyada oo dhowaan uu magaalada Nairobi ka dhacay shir dhex maray mas’uuliyiin iyo akhyaar kale oo Soomaaliyeed oo magac beeleed ku socda iyo Dowladda Kenya.

    Xaalad in laga hadlo u baahan ayay isla soo qaadeen.

    Midda xusuusta u baahan, oo qormadan igu kalliftay waxay tahay in ay Madaxweynayaasha iyo dowladaha Gobollada Soomaaliya iyo Madaxda qabaa’ilku ay u baahan yihiin in aan mugdi ka gelin waa in aanay iyagu mas’uul ka ahayn laba arrimood: Soohdimaha dalka iyo xiriirka dibadda ee Soomaaliya ay la leedahay Dowlad kale. Ha ahaatee Dowlad deris ah ama mid fog. Ha ahaato Dowlad saaxiib ah ama mid aan ahayn. Waa mas’uuliyad Dowladda Federaalka u taal.

    Halis weyn ayaa ka soo socota haddii la caadeysto wixii dhici jiray berigii aan dowlad la’aanta ahayn ama lagu jiray ku meel gaarka.

    Soohdimaha dalku waa soohdimaha caalamiga ah ee Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka la deriska ah. Sharciga Soomaaliya iyo kan caalamkana waxaa soohdimahaas mas’uul ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Madaxweyne Goboleed iyo beel Soomaaliyeed midna mas’uul kama ahan.

    Soohdimaha dalka waxaa qaabbilsan Wasaaradda Difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xiriirka Dowladaha iyo Ururrada Caalamiga ahna waxaa qaabbilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
    Howsha waa la kala leeyahay. Si aan Qarannimadeennu u wiiqmin waxaan u baahan nahay in aan dhammaanteen hey’adahaas uga dambeyno mas’uuliyaddooda, kulana xisaabtanno.

    Posted by Yusuf Garaad 

    Wadahadalka Jigjiga iyo Kulanka Nairobi Yusuf Garaad
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka K/Galbeed oo beeniyay inay Daacish ku sugan tahay Sh/hoose
    Next Article DEGDEG: Guddoomiyihii Maxkamadda Sare oo xilka laga qaaday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo