Askari ka tirsan ilaalada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta toogtay mid ka mida wadayaasha mootooyinka loo yaqaan Bbajaaj-ta xilli uu marayay wadada Maka Almukarama agaagarka Xarunta Baarlamaanka, waxaana halkaasi la sheegay inuu dhaafay isagoo aan arkin askarta meeshaasi ku sugneyd, kadibna waxaa rasaas ku furay askari ka mid ahaa booliska ilaalada ka hayay wadada.
Rasaastaas ayaa dhaawac gaarsiisay wadaha Bajaajta kadibna , iyadoo la sheegay in ciidamada dowladda ay qabteen askarigii falka geystay, waxaana arrintaas darteed banaanbax rabshado wato ka dhigay Isgoyska Sayidka iyo KM 4 bajaajleyda magaalada Muqdisho.
Bajaajleyda Muqdisho ayaa ka cabaneysa shilka saaka dhacay ka sokow iyadoo laga xiray wadadda Maka Akmukarama oo laga soo celiyo Sayidka, taasina ay dhib ku keentay shaqadoodii, waxay kaloo ka cabanayaan canshuurta lagu cadaadiyo ee ay ka qaado Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Bannaabax rabshado wata oo ay ku xireen wadada ay ka dhigeen Isgoyska Sayidka iyo kan KM 4 waxaana in muddo ah meelahaasi ka dhacayay wadadda, waxaana rasaas ku kala eryay ciidamada Booliska.
Wadani.com