Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidmada amniga ay maanta xireen Wadooyinka muhiimk ah ee casimadda, iyadoo la dhigay ciidamo fara badan.
Waxaa wadooyinka xiran ka mida Maka Almukarama iyo Isgoysyada waaweyn ee Banaadir Soobe, Taleex, Shaqalaha iyo Dabka, iyadoo sidoo kale waxaa xiran qeybo ka mida Wadadda Wadnaha oo loo diiday Gaadiidka.
Xirista wadooyinka ayaa loo sababaeeyay iyadoo maanta loo dabaaldegayo xuska 75 guurada aas-Aaska ciidamada Booliska Soomaaliya oo la sheegay in maanta lagu qabanayo Garoonka Koonis Stadium, ayna ka qeyb geli doonaan madaxda sare ee dowaldda.
Diyaargarow xuska maalinta Booliska ayaa muddooyinkii danbe ka socotay magaalada Muqdisho, waxaana caado noqotay in munaasabadahaasi dartood loo xiro isu socodka magaalada.