Dhaqdhaqaaqa magaalada Muqdisho ayaa istaagay maanta kadib markii la xiray wadooyinka magaalada intooda badan.
Sababta loo xiray wadooyinka ayaa lagu sheegay in la sugayo ammaanka bannaanbax weyn oo ka dhacaya magaalada, kaasoo lagu taageerayo 100-kii maalmood ee madaxweyne Farmaajo uu xilka hayay.
Gobolka Banaadir ayaa abaabulka munaasabadan ka waday magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay iyadoo degmooyinka gobolka banaadir ay soo ururiyeen dadweyne fara badan oo ka qeybgalaya bannanabaxa.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan isu soo baxa oo dadka la isugu geeyay Garoonka Stadio Koonis ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad ka jeedin doona isu soo baxa, waana markii ugu horeysay ee taageero noocan oo kale ah loo qabto madaxweyne xilka hayay muddo 100 maalmood ah, loona xiro wadooyinka caasimadda oo lagu joojiyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gadiidka.
Wadani